Arsenal iyo Tottenham oo Ka Faa'iidaya Dhibaatada Kooxda Man United, Xiddig Muhiim Ah Ayeey Ka Doonayaan, Waa Kuma?

0
Thursday October 11, 2018 - 12:00:43 in Wararka by
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal iyo Tottenham oo Ka Faa'iidaya Dhibaatada Kooxda Man United, Xiddig Muhiim Ah Ayeey Ka Doonayaan, Waa Kuma?

    Khamiis-London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis-London

Daafaca kooxda Manchester United Eric Bailly ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay labada koox ee Arsenal iyo Tottenham Hotspur marka la gaaro suuqa janaayo.

Bailly ayaa kaliya xilli ciyaareedkiisii seddexaad ku qaadanaya Old Trafford, laakiin 24 jirkaan ayaa lumiyay kalsoonidii tababare Jose Mourinho.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ivory Coast ayaa keliya shan kulan oo tartamada oo dhan uu ku bilowday xilli ciyaareedkan, taasoo keentay inay suurtogal tahay in daafaca dhexe uu diyaar u noqdo inuu baxo.


Sida laga soo xigtay Daily Star, Arsenal iyo Spurs ayaa isha ku heynaya xaaladda ka hor inta aan dalab rasmi ah soo bandhigin bisha Janaayo.

United ayaan u badneyn inay si dhaqso ah ugu soo gudubto si ay u aqbalaan dalab kasta oo ay ku doonayaan Bailly, laakiin waxaa laga yaabaa inay fursad siiso kooxahaas Mourinho oo donaya badelkiisa.

Bailly ayaa ku faidhaya 30 milyan ginni, halka ciyaaryahanka uu qandaraaska uu kula joogo kooxda Waqooyiga-Galbeed ka dhisan ilaa iyo sannadka 2020ka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip