Eden Hazard Oo Go'aamiyay Mustaqbalkiisa Chelsea iyo Wararka La Xiriirinaya Real Madrid?

0
Thursday October 11, 2018 - 19:45:00 in Wararka by
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazard Oo Go'aamiyay Mustaqbalkiisa Chelsea iyo Wararka La Xiriirinaya Real Madrid?

    Khamiis-Chelsea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis-Chelsea

Eden Hazard ayaa sheegay inuusan u dhaqaaqi doonin Real Madrid bisha Janaayo, laakiin wuxuu ogolaaday inuu u baahan yahay inuu ka tago Chelsea si uu ugu guuleysto Ballon d'Or.

27 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa bishii hore sheegay inuu ku biirayo Real Madrid inay ahayd riyadiisa tan iyo markii uu caruur ahaa.

Markii la weydiiyay haddii uu u baahan yahay inuu ka ciyaaro Spain si uu ugu guuleysto abaalmarinta shakhsiga ugu sarreeysa, Hazard ayaa dhoola cadeynaya "sababtaa darteed waxaan doonayaa inaan tago, laga yaabee".


Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka reer Belgium ayaa beeniyay inuu u dhaqaaqi doono suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Heshiiska Eden Hazard ee Stamford Bridge wuxuu dhacayaa June 2020, wararka ayaana sheegaya in kooxda reer Spain ee Real Madrid ay u dooneyso inay Chelsea ka dhaaciso iibinta xiddigan.

Real ayaa saxiixa Thibaut Courtois kaga soo iibsatay Chelsea bishii August si uu ugu soo wareego 35 milyan oo ginni, isagoo ku jiray sanadkiisii ugu horeeyay.

Hazard ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan Premier League isagoo leh 7 gool xilli ciyaareedkan. iyadoo kooxda heysata horyaalnimada Yurub ay si adag u dhibtoonayaan inay la qabsadaan nolosha tababaraha cusub Julen Lopetegui iyo weeraryahanka Cristiano Ronaldo, oo u dhaqaaqay Juventus bishii July.

Hazard, ayaa u tartamayay abaalmarinta ragga ee abaalmarinta FIFA ee ugu dambeysay, lakiin waxa uu ku guuldareystay inuu ka mid noqdo seddexda laacib ee ugu sareeysa.

Weeraryahankan ayaa Chelsea joogay tan iyo markii uu ka soo wareegay Lille sanadkii 2012, isagoo u dhaliyay 76 gool 216 kulan oo uu saftay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip