RASMI: Weeraryahankii hore ee Arsenal Thierry Henry oo loo magacaabay macalinka kooxda Monaco

0
Saturday October 13, 2018 - 12:52:18 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Weeraryahankii hore ee Arsenal Thierry Henry oo loo magacaabay macalinka kooxda Monaco

    Sabti-Monaco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti-Monaco

Weeraryahankii hore ee Arsenal Thierry Henry ayaa loo magacaabay macalinka kooxda Monaco ilaa June 2021.

41 jirkaan reer France, oo ahaa tababare ku xigeenka xulka Belgium, ayaa xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay Monaco wuxuuna ka caawiyay inay ku guuleystaan Ligue 1 1997.

Kooxda Monaco ayaa kaalmaha ugu hooseya uga jirta horyaalka Ligue 1, waxaana tababare Leonardo Jardim laga ceyriyay Khamiistii.


"Waxa ay u egtahay qadar in aan bilaabi doono mustaqbalkeyga maareynta," ayuu yiri Henry, oo ah gooldhaliyaha Arsenal ugu sareeya.

Ciyaaryahankii hore ee Juventus, Barcelona iyo kooxda New York Red Bulls ayaa lala xiriiriyay Aston Villa isbuucyadii dhowaa, waxaana uu sheegay inuu helay dalabyo soo jiitay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

"Monaco mar walba waxay ku dhowdahay wadnahayga," ayuu hadalkiisa raaciyay. "Aad ayaan ugu faraxsanahay in lay siiyo fursadan, lakiin haatan shaqadu waa inay bilaabataa."




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip