Cristiano Ronaldo Oo Rikoor Taariikhi ah u Dhigay Shanta Horyaal ee ugu Waaweyn Qaarada Yurub!!

0
Sunday October 21, 2018 - 10:55:32 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Rikoor Taariikhi ah u Dhigay Shanta Horyaal ee ugu Waaweyn Qaarada Yurub!!

    Axad-Juventus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Juventus


Crsitaino Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 5-aad ee horyaalka Serie A-da ee xilli ciyaareedkan kadib goolka uu ka dhaliyay kooxda Genoa kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da.

Kadib goolkaas Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee 400 oo gool ka dhaliyay horyaalada ugu waaweyn yurub ee shanta ah.

Cristiano Ronaldo ayaa ka dhaliyay premier League 84 gool markii uu u ciyaarayay kooxda Man United intii u dhexaysay 2004 ilaa 2009 markaas oo uu ku biiray Real Madrid.

33 Jirkan reer Portugal ayaa sidoo kale horyaalka La Liga oo uu wakhti dheer ku qaatay ka dhaliyay 311 gool markaas oo uu u ciyaarayay kooxda caasimada ee Real Madrid

Ugu dambayn Cristiano Ronaldo ayaa shan gool u dhaliyay horyaalka Serie A-da kadib markii uu xagaagii kaga soo biiray kooxda Real Madrid iyada oo ka soo bixisay 105 milyan oo euro.

Premier League: 84

La Liga: 311


Serie A: 5



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip