Manchester United Oo Ku Dhow in 4 Bilyan Lagu Iibsado & Wadahadalada Halka Ay Marayaan oo La Ogaaday!!

0
Sunday October 21, 2018 - 11:05:11 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester United Oo Ku Dhow in 4 Bilyan Lagu Iibsado & Wadahadalada Halka Ay Marayaan oo La Ogaaday!!

    Axad-Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Manchester

Dhaxal sugaha Sacuudi Carabiya Mohammad bin Salman ayaa lagu soo waramayaa inuu isku diyaarinayo inuu 4 milyan oo ginni ku iibsado kooxda Manchester United.

Milkiilayaasha haatan ee United Joel iyo Avram Glazer ayaa la fahamsan yahay inay durbadiiba tilmaameen inaysan iib ahayn, laakiin taasi ma aysan ka careysiin Bin Salman.

Ninkaan saliida qaniga ka ah ee Saudi Arabia ayaa hantidiisa lagu qiimeeyaa £ 850bn waxaana u rajeynaya inuu la tartamo milkiilayaasha Manchester City ee Abu Dhabi kuwaso qeyb ka ah aragtida uu u leeyahay in uu kobciyo dhaqaalihiisa dalka 2030-ka.


United ayaa dhawaan lagu qiimeeyay £ 3.2bn ee Forbes,  The Mirror ayaa sheegeysa in Bin Salman uu diyaar u yahay inuu sii bixiyo 800 milyan oo ginni oo uu ku dalbado dalab uu ku doonayo inuu ku qanciyo qoyska Glazer inuu iibiyo kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, milkiileyaasha United ayaa ka walwalsan inay galaan wada hadal kasta oo uu la galo Bin Salman iyadoo jirto xaaladdan diblomaasiyadeed ee hadda ku hareeraysan dhimashada wariye Sacuudi ah Jamaal Khashoggi.

Glazers ayaa United kusoo iibsaday £ 790m sanadkii 2005, waxaan uu noqon laha rikoorkii ugu qaalisan hadii uu dhaco heshiiskan wadahadaladiisu ay sii bilowdeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip