Eden Hazard oo inuu kaligiis Isla Hadlo ku kallifay Tababare Sarri, Sababta Ogow!

0
Monday October 22, 2018 - 11:05:38 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazard oo inuu kaligiis Isla Hadlo ku kallifay Tababare Sarri, Sababta Ogow!

    Isniin--London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin--London

Mar Farxad Gelin doonto, Taageere, Ciyaartoy iyo qof kasta oo Chelsea wanaageeda ka fakara, marka uu maqlo in EDEN HAZARD uu dhaawac soo gaaray.


Laacibka dalka Belgian waxaa uu dhaawac kasoo Gaaray kulankii kooxdiisu ay Sabtigii ku garab dhacday Man UTD oo kusoo idlaaday 2-2 keddib markii Laba mar oo isku xiga ay Jalfis iyo Xoog u raacid isugu dareen Ashley Young iyo Nemanja Matic.


Hazard ayaa u baahnaa in la baxnaaniyo markii uu Lugta si xooggan uga haraatiyay Young – oo jaalle ka guddoomay garsoore Mike Dean – intii lagu jiray Ciyaarta.



Wuxuuse dhammeystay 90-ka daqiiqo iyadoo uusan fursad Beddel ka helin tababare Maurizio Sarri, taasi waxay waalli ku abuurtay Tababaraha dalka Talyaaniga u dhashay.


Chelsea waxay indhaha ku heysaa inuu diyaar noqon karo kulanka Khamiista ee Europa League ay gurigooda ku qaabilayaan BATE Borisov balse xataa kuma soo billaaban karo keydka sida wararka qaar sheegayaan.


Hazard kooxdiisa ayaa Axadda u Safri doonta Burnley, waana kulan kale oo loo maleynayo inuusan ciyaarin laacibku.


Kooxda Caafimaadku waxay sheegeen in ilaa 2 Toddobaad ay qaadan karto Baxnaaninta Laacibkan bandhigga Fiican ku jira Xagaagan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip