Mourinho, Shaqo la'aan ha uga Baqin, koox uu horay usoo Tababaray ayuu Dooqa Koobaad u yahay, ma Inter, Real mase Chelsea?

0
Monday October 22, 2018 - 11:06:01 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho, Shaqo la'aan ha uga Baqin, koox uu horay usoo Tababaray ayuu Dooqa Koobaad u yahay, ma Inter, Real mase Chelsea?

    Isniin--Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin--Manchester

Real Madrid Agaasimeyaasheeda ayaa indhaha ku haya Jose Mourinho inuu kusoo laabto Garoonka Santiago Bernabeu iyagoo isu diyaarinaya Raacdeynta Macallin Julen Lopetegui, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Spain.


Macallinka kooxda Manchester United ayaa 3-sanadood ku bixiyay joogista Caasimadda Spain, wuxuuna qaaday La Liga iyo Copa del Rey intii uusan ku laaban dalka England oo uusan mar labaad hoggaanka u qaban Chelsea.



In kastoo uusan jecleyn ka shaqeynta La Liga iyo inuu ku laabto, ninkan ayaa haddana Man Utd ay Cadaadis ku heysaa, sida laga soo xigtayEl Chiringuito.


Lopetegui oo Musiibo u horseeday kooxda ayaana lagu beddeli doonaa.


Tababarihii hore ee xulka Spain ayaa kooxdiisu Khasaartay 4 ka mid ah 5tii kulan ee ugu dambeysay, waxaana ka mid ahaa ciyaartii 2-1 gurigooda ay kaga badisay kooxda Levante Usbuucan.


Waxaa soo socda El Clasico, Real Madrid madaxweynaheeda Florentino Perez ayaana ka fakaraya in macallinkan la raacdeeyo weliba isagoo kooxda la joogay kaliya 12 Kulan.


Mourinho ayaa sidoo kale dhibaato ku heysataa Garoonka Old Trafford.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip