Harry Maguire:"Xidig walba oo ka Ciyaara Horyaalka Premier League-ga waxaa uu jecelyahay inuu ku biiro Manchester United.

0
Monday October 22, 2018 - 11:38:13 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Harry Maguire:"Xidig walba oo ka Ciyaara Horyaalka Premier League-ga waxaa uu jecelyahay inuu ku biiro Manchester United.

    Isniin-United

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-United

Daafaca Leicester City Harry Maguire ayaa albaabka u furay inuu u dhaqaaqo Manchester United isagoo qirtay inay adag tahay inuu diido inuu u wareego koox Champions League ka ciyaarta.

 

Maguire ayaa noqday bartilmaameedkii ugu dambeeyay ee United ka dib markii uu bandhig cajiib ah ka dhigay koobkii adduunka 2018, laakiin Leicester ayaa diiday in ay iska iibiso daafaca dhexe.

 

25 jirkaan ayaa heshiis shan sanno ah u saxiixay kooxda Foxes bishii lasoo dhaafay, lakiin United ayaa weli la sheegay inay xiiseyneyso ciyaaryahankii hore ee Sheffield United, kaasoo diiday inuu meesha ka saaro inuu u dhaqaaqayo United-ka.

 

Maguire oo wareysi bixiyay ayaa yiri” Xidig walba oo da’yar oo jecel in uu heer sare ka gaaro kubada cagta waxaa uu jecelyahay inuu ku biro koox weyn sida United waan jeclaan lahaa inaan u dhaqaaqo United” ayuu yiri Harry.

 

Maguire ayaa Leicester kaga soo biiray Hull City 2017 waxaana uu u saftay 52 kulan tartamada oo dhan Foxes.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip