Marcelo oo dib ula midoobaya C.ronaldo Bisha janaayo, Sidee?

0
Tuesday October 23, 2018 - 11:54:59 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marcelo oo dib ula midoobaya C.ronaldo Bisha janaayo, Sidee?

    Talaado- Real Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- Real Madrid

Daafaca Real Madrid Marcelo ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay kooxdiisa inuu doonayo inuu ku biiro Juventus bisha janaayo.

 

Marcelo ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqi doono kooxda heysata horyaalka Talyaaniga horaantii xagaagan, waxaana lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu dib ula midoobo saaxiibkiisii ​​hore Cristiano Ronaldo ee Turin haatan jooga.

 

Wargeyska Tuttosport ayaa sheeganeysa in Marcelo uusan ku faraxsaneyn sii joogista Real Madrid islamarkaana uu doonayo inuu baxo marka suuqa kala iibsiga uu dib u furmo, iyadoo Juve ay tahay meeshii uu rabo inuu ka ciyaaro.

 

Madaxweynaha kooxda Florentino Perez ayaa la fahamsan yahay inuu ka careysan yahay dalabka Marcelo ee ah in la iibiyo.

 

Marcelo ayaa Madrid kuso biiray 2007dii, waxaana uu u saftay 460 kulan tartamada oo dhan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip