Man United oo dirqi kaga adkaatay Bounmouth iyo Inter oo u awood sheegatay Genoa

0
Saturday November 03, 2018 - 20:45:19 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United oo dirqi kaga adkaatay Bounmouth iyo Inter oo u awood sheegatay Genoa

    Sabti- Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Yurub

Kooxda Manchester United ayaa guul dirqi ka gaartay Naadiga Bounemouth oo ay garoonkeeda ku booqatay kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay.


Bounemouth ayaa goolka la hormartay waxaana daqiiadi 11 u saxiixay Callum Wilson, basle waxaa isal qaybta hore Man United u barbareeyay Anthony Martial oo baryahan dambe noqday gooldhaliyaha Man united.

Martial was left with an easy left-footed finish from close range after Sanchez picked him out with a perfect cross into the box


Marki laysku laabtay United ayaa dhowr jeer ku dhawaatay in ay hogaanka qabatao basle uma suurto gelin ilaa laga gaaro daqiiqadi 91 oo ay goolka guusha ka heshay Marcos Rashford.


Natiijadan ayaa ka dhigan in ay Man United soo tiigsato 20 dhibcood waxaase wali dhibaato ka haysataa xagga goolasha oo ay kaliya haysto hal gool oo nadiif ah.


Dhanka kale kooxda Inter ayaa awood sheegatay kooxda Genoa oo ay garoonka San Siro kusoo dhawaysay kadib markii ay kaga adkaatay 5-0.


 

Goolasha saddex kamid ah dhasheen qaybta labaad ee ciyaarta ayaa waxaa u kala saxiixay Matteo Politano, Joao Mario, a Nainggolan iyo Roberto Gagliardini oolaba gool dhaliyay.


Kooxda tabababare Spalleti ayaa sidaas dib ugu soo laabtay kaalinta labaad ee horyaalka talyaaniga oo ay Napoli xalay kala wareegtay markii ay 5-1 Empoli ku xaaqday.


Inter iyo Napoli ayaa min 25 dhibcood leh, waxaase faraqa goolashakaalinta labaad ku fadhida kooxdaInter, waxaana horyaalka 28 dhibcood ku hogaaminaysa kooxda Juventus oo Cagliari caawa la ciyaari doonta , iyadoo fursad u haysata in ay hogaankeeda sii dheeraysato.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip