Kooxda Heegan oo ku guulaysatay horyaalka Kubadda Kolayga 2018-19+Sawirro

0
Tuesday November 06, 2018 - 22:08:36 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Heegan oo ku guulaysatay horyaalka Kubadda Kolayga 2018-19+Sawirro

    Talaado- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- Muqdisho



Kooxda kubadda Kolayga Heegan ayaa xaqiijisayhanashada horyaalka kubadda Kolayga 2018- 19 kadib markii ay kulankeedi u dambeeyay shalay garaacday naadiga Banaadir SC .


Kooxda Banaadir SC ayaabilowga hore ee ciyaarta ka yaabsata Heegan, kadibmarkii ay 5 jeesto ku hogamiyeen , basle ma noqon mid ay sii xajistaan waxaana qaybta hore lagu kala nastay 33-30 oo ay Heegan hogaanka ku hayso.



Marki laysku soo laabtay Heegan ayaa halkeeda kasii waday bandhigeeda, waxaana Xiddigaha Banaadir SC ay hakin waayeen Cabdifitaax Maxamed Macoow Buukaale, waxaana 10-ka sadaxaad labda koox keensadeen 10- 15 oo markale Heegan gacanta sare ku lahayd, sidoo kale qaybtii u dambaysay ayay Heegan la timid 25 dhibcood halka Banaadir ay la timid 16 dhibcood, waxayan wadarta guud guusha68-56 ku raacday Naadiga Heegan.


Heegan oo ahayd kooxda daacafanaysay horyaalka ayaa sidaas ku xaqiijisay hanashada horyaalka kubadda Kolayga 2018-19.

Jimcaha waxaa garoonka Wiish ka dhici doona kulanka ugu dambeeyay horyaalka waxaana wada ciyaari doona kooxaha Dekedda iyo Horseed oo kaalinta labaad ku loolami doona.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip