Aqriso natiijyinki Champions League ee xalay iyo jahwareerka Group-yada ka taagan

0
Wednesday November 07, 2018 - 09:52:32 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqriso natiijyinki Champions League ee xalay iyo jahwareerka Group-yada ka taagan

    Arbaco- Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco- Yurub



Waxaa xalay qaaradda yurub ka dhacay kulamadawareegga afaraad ee heerka Groupyada koobka kooxaha horyaalada Yurub 2018-19, waxaana kasoo baxay natiijooyin lama filaan ahaa.


Group A, kooxda Club Bruge ee dalka Belgium-ka ayaa 0-4 uga adkaatay Monaco oo garoonkeeda ku ciyaaraysa, tasoo soo afkartay Rajadii Monaco ee tartanka.


Isla Group A, Atletico Madrid ayaa 2-0 uga adkatay Borussia Dortimund oo usoo martisay lugtii horena kasoo adkaatay, waxaana goolasha u kala dhaliyay Saul Niguez iyo Antoine Griezmann



Group A, Atletico iyo Borussia Dortimund min 9 dhibcood, Club Brugge 4 dhibcood, Monaco 1 dhibic.


Group B: Inter Milan iyo Barcelona ayaa 1-1 isku mari waayay waxaana goolasga u kala dhaliyay Malcom oo Bacrelona u saxiixay daqiiqadi 83 iyo Icardi oo 87 Inter u barbareeyay.

Dhanka kale Tottenham ayaa guushi u horayasay tartanka gaartay waxayna 2 -1 kaga adkaatay kooxda PSV iyadoo labada gool uga mahad celinaysa Harry kane.


Group B , waxaa 10 dhibcood ku horkacaya Barcelona, Inter oo kusoo xigta ayaa leh 7 dhibcoo, halka Tottenham ay 4 dhibcood leedahay.


Group C: oo horay u ahaa Group-ka dhimashada ayaa xalay jahwareer horleh lasoo baxay kadib markii kooxda FK Crvena Zvezda oo horay loo oran jiray Red Star Bilgradaeay 2-0 kaga adkaaatay kooxda Liverpool oo kulanki hore4-0 ugu soo awood sheegatay.


FK Crvena Zvezda oo tartanka isagoo Ueropian Cup ah ku guulaysatay 1990-91 ayaa goolasha ka heshay weeraryahankeeda No-9 Milan Pavkov oo 24 jir ah.


Dhanka kale Napili iyo PSG ayaa barbaro-1-1 isku mari waayey waxaana goolasha u kala saxiixay Juan Berat e too qaybta hore u dhaliyay PSg iyo Lorenzo Insigne oo Napoli rigooro ugu barbareeyay.


Napoli iyo Liverpool ayaa min 6 dhibcood ku horkacaya PSg ayaa 5 dhibcood leh, halka FK Crvena Zvezda ay4 dhibcood ay leedahay waana Group ay koox kasta rajo leedahay.


Group D: Porto ayaa4-0 uga itaal roonaatay kooxda Lokamotiv Moscow , halka kooxda Schalke 04 ay 2-0 ku dhaaftay kooxda Galatasaray.

Group D waxaa 10 dhibcood leh kooxda Porto, waxaana kusoo xigaSchalke04 oo 8 dhibcoodleh, Galatsaray 4 dhibcood, waxana ugu hooseysay Lokamotiv Moscow ooo tartanka isaga hartay.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip