Ogoow group-yada caawa Champions League-ga Ciyaaraya iyo rajada ay koox waliba leedahay

0
Wednesday November 07, 2018 - 12:40:34 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ogoow group-yada caawa Champions League-ga Ciyaaraya iyo rajada ay koox waliba leedahay

    Arbaco- Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco- Yurub


 



Waxaa caawa qaaradda yurub ka dhici doona kulamada wareegga afaraad ee koobka kooxaha horyaalada Yurub 2018-19 waxaana ku loolami doona Group-yada E,F, G iyo H.


Group G: waxa ay caawa u ciyaari doonaa Bayer MunicAjax oo lugtii hore barbaro isku dhaafi waayay isla markaana Group-ka ku hogaaminaya min7 dhibcood, kulanka labaad ee Group-ka waxaa wada dheelaya kooxda Benfica oo 3 dhibcood leh iyo AEk Athens oo eber taagan, waxayna kulamada bilaabanayaan 11:00 PM



 

Group F: Lyon ayaaqaabilaysa kooxda Hoffeheim ee dalka jarmalka, halka Man City ay iyana soo dhaweynayso kooxda Shakhtar Donest ee dalka Ukraine.


Man City ayaa Group F ku hogaaminaysa 6 dhibcood, Lyon ayaa 5 dhibcood haysata oo labaad kujirta halka ayHoffenheim iyo Shakhtar ay min 2 dhibcood leeyihiin,kulamadan waxaa la baasan doona 11:00 PM

 


Group G: Real Madrid oo tartanka daafacanaysa sanadki saddexaad oo xiriir ah ayaa u martin doonta kooxda Viktoria Plzen, halka ay kooxda Roma u safri doonto kooxda CSKA Moscow ee dalka Ruushka.

Real Madrid iyo Roma ayaa min 6 dhibcood ku horkacaya Group-ka waxana kusoo xiga SCKA Moscow oo 4 dhibcood leh, halka ay Viktoria hal dhibic oo qura ka leedahay.


Group H: Juventus ayaa garoonkeeda kusoo dhaweynaysakooxda Man unted oo ay kulanki hore 1-0 uga soo adkaatay waxayna guul ay ka gaarto ka caawin doonto in ayxaqiijiso usoo bixideeda wareeg-a16-ka waxaana mar kale kooxdiisi hore ka hor imaan doona Ronaldo. Kulanka labaad ee group-ka waxaa wada dheeli doonaan Valencia iyo Young Boys.

Juventus ayaa hogaanka group-kan ku hayso 9 dhibcood, waxaana kusoo xiga Man United oo 4 dhibcood, Valenica ayaa 2 dhibcood leh halka Young 

Boys oo dalka Switzerland ka socda ay 1 dhibic oo kaliya leedahay.

Kulanka Valenica ayaa bilaaban doona 8:45 Pm , halka kulanka juve iyo Man UTD la baasan doonjo 11:00

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip