Manchester Dery . Jose kulankiisi 300 ee EPL guul ma ugu dabaadagi doonaa?

0
Sunday November 11, 2018 - 11:11:45 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester Dery . Jose kulankiisi 300 ee EPL guul ma ugu dabaadagi doonaa?

    Axad- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- Manchester


  Kooxda  Manc City ayaa iyadoo horyaalka  iyo hogaanka horyaalka daafacanaysa  waxay garoonkeeda Etihat kusoo dhawaynaysaa kooxda Manchester United oo wadadii guusha ku taagan kulamadii  lasoodhaafay, kulanka Manchester Derby 2018.


Wararka labada Naadi:

 

Manchester City ayaa dib ugu yeeranaysa Sergio Aguero, kaasoo aan ciyaarin kulanka Arbacadi ee Champions League oo ay kooxdiisa la dheeshay Shakhtar Donetsk.

 

Kevin de Bruyne, Eliaquim Mangala iyo Claudio Bravooo muddo garoomada ka maqnaa ayaa wali kasii maqnaan doona City.



 

Manchester United ayaa dhankeeda tijaabo dheeri ah ku samayn doona Lukaku oo dhaawac aan la shaacin ku seegay labadii kulan ee u dambeeyay kooxdiisa.



United ayaa sidoo kale ilgaar ah u yeelan doonta xaalada Pogba oo aan ka qayb qaadan tababarkii Jimcaha ee kooxda isgaoo qabay dhaawac yar.

 


Diogo Dalot aya dhaawac ciyaaraha caalmai kusoo gaaray uga maqnaan doona kooxdiisa United, waxaana kooxda usoo laabtay Kabtan Valenica.

Xogtaariikheeda labada koox ee kulanka:


Man United ayaa tan iyo 2008-09 iyo 2009-2010 raadinaysa in ay laba kulan oo xiriir ah ku guulaysato Manchester Derby.


Man City ayaa dhiggeeda United ka adkaatay 2 kulan 8-di kulan ee u dambeeyay 2 barbaro iyo 4 guuldarro, marka laga reebo 2013-14 oo ay afar kulan oo xiriir ah ka adkaatay.



United ayaanan guuldarro kula kulimin garoonka Etihad 3 kulan ee u dambeeyay oo ay Horyaalka ku ciyaarto, 2 guul iyo 1 barbaro ayay kusoo gaartay.


Man City ayaanan 53 kulan guuldarro kala kulmin kooxahamarka ay ka horimaanayso ka hooseeya darajda afarta sare ee horyaaalka 444 guul iyo 9 barbaro.

Pep Guariolawaayahiisa Macallinimo laba kulan oo xiriir ah hal koox kama aysan adkaan tartan horyaal ah.

 


Guardiola ayaa dhanka kale guulaysatay 9 kamid ah 21 kulan ee uu Jose Mourinho ka hor yimid, 7 guuldarro ayuu kala kulmay halka uu 5 kulan ay barbaro ku kala tageen


Aguero ayaa 7 gool kla dhaliyay 7 kulan ee u horayasay ee uu Man United ka horyimaado,, basle waxuu ku hungoobay inuu 3 kulan ee lasoo dhafay shabaqooda soo taabto.


Inkasta oo sameyay isku day gool oo 19 jeer ah RaheemSterlin gool kama dhalin Man united 12 kulan ee uu ka horyimid.


Waa kulanki 300 ee uu Jose Mourinho horyaalka Ingiriiska ka maamulo, waxuuna guulaystay 189 kamid ah 67 barbaro ayuu galay halka laga adkaaday 43 kulan.

Haddii uu Juan Mata gool dhaliyo waxuu noqonayaa lacaibkii 5-aad ee Spain u dhasha oo 50 gool dhaliya.

Sidoo kale Anthony Martial ayaa noqonaya laacibkii 7 ee 5 kulan oo xiriir ah gool ka dhaliya horyaalka Ingiriiska isagoo Man united u safan, waxaana kaga horeeyay Eric Cantona, Dwight Yorke, Ruud van Nistelrooy, Wayne Rooney, Cristiano Ronaldo iyo Robin van Persie.

Waa kulanki 177 ee Manchester Derby, City oo marti loo yahay ayaa guulaysatay 51, halka United ay 73 adkaataywaxayna barbaro galeen53.

Overall this will be the 177th Manchester derby, with City winning 51 of those compared to United's 73.

 

Safafka macquulka ee la filan karo.

Man City :Ederson; Walker, Stones, Laporte, Mendy; Bernardo, Fernandinho, Silva; Sterling, Aguero, Sane

 

Man Utd :De Gea; Young, Smalling, Lindelof, Shaw; Herrera, Matic, Pogba; Sanchez, Lukaku, Martial

Saacadda: 7:30 PM

Garoonka Etihat

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip