Man United, Barcelona iyo kooxaha Magaalada Milan oo guuldarrooyin la kulmay

0
Monday November 12, 2018 - 06:10:02 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United, Barcelona iyo kooxaha Magaalada Milan oo guuldarrooyin la kulmay

    Isniin- Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin- Yurub


Shalay iyo  xalay waxay guuldarrooyin qarkood taariikhi ah ay  soo gaareen kooxaha ugu tuna wayn qaaradda Yurub qaar kamid ah, waxaana kamid ah Bacrelona oo garoonkeeda lagu garaacay, Man United oo Derby Manchester guuldarro kala kulantay, Inter ciyaar awood sheegasho ay Atalanta uga itaal roonaatay iyo Milan oo garoonkeeda lagu lagday.


Man City ayaa Man United 3-1 kaga adkaatay ciyaar ka dhacay gegida Etihat, waxaana City goolasha u kala dhaliyay David Silva, Sergieo Aguero iyo Ilkay Gundoga goolka qura ee Man United waxaa u saxiixay Anthony Martial kaasoo gool-kulaad dhaliyayCity ayaa sidaas hogaanka Horyaalkadib ugala wareegtay kooxda Liverpool.Isla Horyaalka Ingiriiska waxaa barbaro la kulmay kooxaha Cheslea oo 0-0 la dhaafi waysay Everton iyo Arsenal oo 1-1 la gashay kooxda Wolverhampton Wanderers, halka Liverpool ay 2-0 uga adkaatay kooxda Fulham.



Barcelona ayaa guuldarro 3-4 garoonkeeda waxay kasoo gaartay kooxda Real Betis, xilli 2 gool uu shaqaba taabsiiysay Kabtankooda Messi oo dhaawac kasoo laabtay, waloow guuldarro lagu soo dhaweeyay.


Real Madrid ayaa dhankeedawaxay 4-2 uga adkaatay kooxdaCelta Vigo oo ay umartisay waxayna 4 dhibcood u jirtaa Barcelona oo hogaanka haysa.


Atalanta ayaa soo afjartay7 kulan oo xiriir ah oo ay guulo ku naaloonaysay kooxda Inter waxayana kaga dkaatay 4-1, waxaa dhanka kale guularro garoonkeeda ay kusoo gaartay kooxda Milan oo ay Juventus kaga adkaatay 2-0.

Sabtidii Borussia Dortimund ayaa 3-2 kaga adkaatay kooxda Bayer Munich  taasoo ka dhigan in todobaadkan ay inta badan kooxaha waa waa wayn ay todobaad madoow ugu ahayd.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip