Xuska Maalinta kaadi macaaanka dunida oo muqdisho lagu qabtay+Sawirro

0
Wednesday November 14, 2018 - 15:00:12 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska Maalinta kaadi macaaanka dunida oo muqdisho lagu qabtay+Sawirro

    Munaasada Xuskan caalamiga oo ay soo agaasintay Waaxda Caafimaadka dowlada Hoose ee Gobolka Banaadir waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Guddoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Tuulax, Guddoomi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasada Xuskan caalamiga oo ay soo agaasintay Waaxda Caafimaadka dowlada Hoose ee Gobolka Banaadir waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Guddoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Tuulax, Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish, Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud Khadiijo Aadan Daahir, Madaxda Waaxda Caafimaada Gobolka iyo bahda Isboortiga.

Tartanka Orodka oo kasoo bilowday Garoonka Wiish kaasoo lagu soo gebogabeeyay Taalada Daljirka Dahsoon waxaa ku tartamaday ciyaartoyda ugu firfircoon ciyaartoyda Ciyaaraha Fudud waxayna sameeyay bandhig Orod oo cajiib ah.


Marki uu orodka Soo idlaaday masuuliyiinta ayaa ka qayb galaybaaritaanka lagu samaynayay ka qayb galayaasha si ay u xaqiijiyaanka badqabkooda xanuunkan.


Agaasimaha Waaxda Caafimaadka dowlada Hoose ee Gobolka BanaadirMaxamed Maxamuud Caddow oo goobta ka haddlay ayaa tilmaamayujeedka ay xuskan caalami ah u qabteen uu yahay in bulshada laga wacyi geliyo xanuunka kaadi macaanka, Isboortiguna uu yahay tallaaada ugu wanaagsan ee uu qofka joogteeda uuinta badan ka badbaadayo xanuunkan, waaxda caafimaadka Gobolka ay ka go’an tahay in ay Bulshada gobolka wacyi gelin joogto ah uga samayso xanuunka kaadi macaaanka iyo xanuunada kale dhibka ku ah, waxuuna mahad celin usoo jeediyay waaxda Isboortiga Gobolka Banaadir, Xiriirka Ciyaaraha Fudud iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo gacan ka gaystay qabsoomida Munaaabadan qiimaha leh.

Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir horena usoo noqday garsoore heerka Caalami oo kubadda cagta Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay in Isboortiga uu yahay tallaabada ugu wanaagsan ee lagula dagaalami karo Kaadi macaaanka , waaxda Isboortiga uu masuulka ka yahay ay markadiyaar u tahay garab istaagga wax kasta oo bulshada lagu caawinayo waxtarna u ah.



 

Guddoomiye Kuxigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir MaxamedCabdullaahi Tuulax oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in Qabashadamunaasabadan ay faa’iidooyin badan u leedahay gobolka Banaadir, waxuua xusay in baraajinta Bulshada Gobolka ee ku aadan ka foojignaanta curudka Kaadi macaanka ay muhii tahay sidoo kale tartanka uu fariin u yahay xagga amniga.


Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Maro Khadiijo Maxamed Diiriye oo ugu dambayn goobta ka hadashay ayaa sheegtay in ka mid tahay dadka qaba xanuunka Kaadi macaanka maanta ay shaqsiyan u ahayddhiiro gelin, basle la doonayo in




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip