Horyaalka 34-aaad ee ciyaaraha Fudud oo furmay +Sawirro

0
Monday November 26, 2018 - 12:05:51 in Wararka by kubadbile news
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalka 34-aaad ee ciyaaraha Fudud oo furmay +Sawirro

    Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha Fudud ayaa garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho ku daahfiray horyaalka 34-aad ee ciyaaraha fudud, waxaana xafladii furitaanka kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga Guddig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha Fudud ayaa garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho ku daahfiray horyaalka 34-aad ee ciyaaraha fudud, waxaana xafladii furitaanka kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga Guddiga Olombikada Soomaaliyeed , Madaxda Xiriirka cayaaraha Fudud iyo marti sharaf kale.


Horyaalka oo ay ka qayb galayaan sagaal naadi oo ku tartamaya dhacdooyinka kale duwanayaa waxaana maalintii koowaad la qaybtay orodka 100 mitir oo isreebreeb ah iyo Orodka 5,000 oo fiinaal ah, waxaana kaalinta koowaad ku guulaystay Cabdullaahi Jaamac maxamed oo sanadki hore kaalinta labaad ka galay orodkan, waxaana kaalinta labaad u galay Cabdi Daud Rooble ( Lucky) oo ay kooxda Iimaan ka wada tirsan yihiin , halka uu kaalinta saddexaad galay Cabdullaahi Cabdi Saciid oo Naadiga Horseed ka tirsan.



Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud Marwo Khadiijo Aadan Daahir oo xafladda furitaanka ka hadashay ayaa sheegtay in ay sanadkan ay sare u kaceen tirada ciyaartoyda tartanka ka qayb galaysa taasoo keenaysa in ay soo baxaan ciyaartooy badan tayadoodu sarayso oo qaranka Soomaaliya matala.


Dhammaan masuuliyiintagoobta ka hadhashay ayaa dhankoodamuujiyay in Soomaaliya halka ugu wanaagsan ay guulaha ka keeni karto horayna uga keentay ay tahay ciyaaraha Fudud waxayna ciyaartoyda kula dardaarmeen in ay muujiyaan dadaal iyo dulqaad si ay u gaaraan hadafka muqtaqbalka ay tiigsanayaan.


Tartanka oo socon doona muddo shan maalin ah ayaa lagu tartami doono orodka qaybahiisa kale duwan iyo Boodada Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip