Maamulka Isboortiga Gobolka oo kulan looga hadlayay dhammaystirka howlaha isboortiga ee sanadka ka harsan ku qabtay xarunta Degmada Wadajir

0
Friday November 30, 2018 - 14:28:52 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Isboortiga Gobolka oo kulan looga hadlayay dhammaystirka howlaha isboortiga ee sanadka ka harsan ku qabtay xarunta Degmada Wadajir

    Kulankan oo ay kasoo qayb galeen maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir, Masuuliyiinta maamulka degmada Wadajir iyo Howl-wadeenada Isboortiga degmooyinka Gobolka ayaa waxaa daah furay Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan oo ay kasoo qayb galeen maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir, Masuuliyiinta maamulka degmada Wadajir iyo Howl-wadeenada Isboortiga degmooyinka Gobolka ayaa waxaa daah furay Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan,

 

Waxaa kulanka lagu faaqiday sidii heerdegmo iyo heer gobol loogu diyaarogaroobi lahaa soo dhaweynta iyo la shaqeynta dhallinyarada Soomaaliyeed ee horraantabisha December caasimadda dalka soo gaaraya kuwaa oo sanadki labad oo xiriir ah kasoo safraya dalka Austarlia kadib markii uu maamulka Gobolka casuumad u fidiyay, waxaana kadib falanqeyn laysku raacay kooxaha la ciyaari doona qaybta kubadda cagta iyadoo dhawaanna lasoo saari doono jadwalka kulamadooda iyo xilliga ay dhacayaan.



Dhanka kale waxaaadood laga yeeshay sidii lagu qaban lahaa ciyaaraha kubadda gacanta degmooyinka waxaa kadib dood dheer kadib laysku afgartay in la qabto bilowga Sanadka 2019, isla markaana kulamo si gaar ah looga hadlayo la qaban qaabiyo todobaadyada soo socda.


Guddoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan oo goobta ka hadlay markii uu kulanka soo idlaaday ayaa maamulka Isboortiga Gobolka ku amaannay dadaalka aan kala go’lahayn ee uu ugu jiro horumarinta Isboortiga iyo soo saaridda ciyaartoydatayada leh ee gobolka Banaadirkuwaa oo markii tartanno joogta ah loo qabtay ay kasoo baxeen ciyaartooy heer qarana gaartay, waxuuna intaa ku daray indegmadiisu ay diyaar u tahaydoorkasta oo looga baahdo aadna ay ugu faraxsanyihiin kulanka maanta uu ka dhaco xaruntooda.


Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow ( Wiish) oogoobta ka hadlay ayaa sheegay in Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Australia ka imaanaya safarkooda uu ka duwan yahay kii sanadkii hore oo kaliya ciyaaro , isdhex gal iyo isbarasho ku koobnaa, basle markii ay darseen xaaladacaasimadda dalka iyo dadaalkamaamulka Gobolka ugu jiro aygo’aansadeen in ay sanadkan ka qayb qaadaan dadaalada socda, waxaana qorshahooda kamid ah dadaalo howlo ballaaran o oo dhanka caafimaadka oo ay fulin doonaan mudada ay joogaan.


Guddoomiye Wiish ayaa dhanka kale maamulkadegmada Wadajir uga mahad celiyaysida qurxda badan oo ayxaruntooda ugu soo dhaweeyeeniyo sida wanaagsan oo ay uga qeyb qaataan dadaalka horumarinta Isboortiga uu maamulkaGobolka gaar ahaan waaxda isboortiga kujirto, waxuuna tilmaamay Inbadin doonaan kulamada horumarinta e lagu qabanayo degmooyinkakale duwan ee gobolka Banaadir.


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip