Horudhaca Cheslea iyo Man City, Sarri rikoodhka maka jabin doonaa Guardiola?

0
Saturday December 08, 2018 - 12:28:05 in Wararka by kubadbile news
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horudhaca Cheslea iyo Man City, Sarri rikoodhka maka jabin doonaa Guardiola?

    sabti- London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sabti- London



Waxaa maanta magaalada London ka dhici doona ciyaaarta ugu adag todobaadkan horyaalka Ingiriiska taasoo dhex mari doonta kooxahaChelsea iyo Manchester City oo maaro loo la’yahay. Hogaanka u haysa horyaalka.

 

 



Chelsea ayaa kulankii ugu dambeeyay waxa ay qasaaro 2-1 kala kulantay kooxda Wolves, taasoo hoos u dhigtay rajada iyo loolannka ayg horyaalka ka lahayd.



Xiddigaha seegi kara kullankan iyo kuwa la filayo inay soo laabtaan

 



Tababare Maurizio Sarri ayaa heysta saf caafimaadkoodu taam yahay, isla markaana kooxdiisa u dhammaysturan tahay.

 


Taa badalkeeda Cityayaawayn doonta Sergio Aguero iyo Kevin De Bruyne

 

Xaqiiqooyinka iyo xog taariikheedka kulanka:


Chelsea ayaa laba qasaaro kala kulantay kooxda City saddexdii kullan ee ugu dambeysayhoryaalka kulamadii ay garoonkeeda kula ciyaartay, waxaana ay la egtahay labadii guuldarro ee ay garoonkeeda ku qaadatay 18-kii kullan ee ka horreeyay sadddexdan.

 


Man City ayaanan weli laba guul oo xiriir ah ku gaarin garoonka Stamford Bridge ciyaarya horyaalka Ingiriiska tan iyo January 1995.

 

Xilli kullankani uu noqonayo kii 161-aad ee ay wada ciyaaraan, misena Manchester City weli ma aysan garaacin Chelsea afar jeer oo xiriir ah.

 


Kooxda hooggaanka Premier League-ga heysa weli ma aysan garaacin Chelsea oo ay kula ciyaareyso Stamford Bridge tan iyo Manchester United oo 3-0 kaga adkaatay 2002, 11-kii ka dambeysayna waxa ay guuleysteen shan jeer halka lix jeerna ay bareejo la galeen kooxaha hooggaanka haya ee ay gurigooda kula ciyaarayaan.

 


Kulankani waxa uu noqonayaa midkii shanaad oo ay Chelsea wajahayso City oo horyaalka hooggaamineysa, labadii hore ayay ka adkaatay, halka labadii dambe laga adkaaday.

 


Man City waxa ay guuldarro la’aan tahay 14 kullan oo Premier League ah iyadoo bannaanka ku ciyaareysa, welina ma aysan dhicin in 15 kullan guuldarro la’aan ahaadaan iyagoo bannaanka kusoo ciyaarayo.

 


Macallin Maurizio Sarri marnaba dhinaciisa dhulka lama dhigin laba kullan oo isku xigta horyaalka inta uu macallin yahay tan iyo October 2016, xilligaas oo Atalanta iyo AS Roma Serie A ku garaaceen.

 


Safafka macquulka ah ee ay kusoo geli karaan labada Naadi:

Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Rudiger, Luiz, Alonso; Kante, Jorginho, Kovacic; Pedro, Giroud, Hazard

Man City: Ederson; Walker, Stones, Laporte, Delph; Bernardo Silva, Fernandinho, David Silva; Sterling, Jesus, Sane.

 

 

 Saacadda:   8:30 Pm


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip