Liverpool vs Man United , ogoow xog-taariikheedka kulanka

0
Sunday December 16, 2018 - 11:17:51 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool vs Man United , ogoow xog-taariikheedka kulanka

    Axad- Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad- Liverpool

 

Waxaa caawa 7:00 Fiidnimo garoonka Anfiedlee magaalada Liverpool ka dhici doona kulanka ugu adag ugu xamaasada badan horyaalka kubadda cagta dalka Ingiriiska kaasoo u dhaxeeya kooxaha Liverpooliyo Man United.


Labada koox ayaa ah laba koox oo ay ka dhaxeyso cadowtooyoad u xoog badan oo taariikhi ah waxaynaLiverpool oo marti looyahay kujirtaa xilli ciyaareedki ugu wanaagsanaa oo ay horyaal u tartami karto halka Man United ay dhex dabaalanayso mid kamid ah xilli ciyaareedyadi ugu xumaa ee soo mara taariikhdeeda.



Wararka labada Naadi:


Trent Alexander-Arnold ayaa shaki wayn la gelinayaa inuu u safan karo kooxdisa Liverpool maadaama uu dhaawacka qabo cagta basle waxaa fursad haysta Nathaniel Clyne inuu ciyaaro kulankiisi u horeeyay ee horyaal ah tan iyo bishii May.


 

Manchester Unitedayaa dhankeeda wajahaysa caqbado xagga daafaca ah waxaana liiska kusoo biiraya Marcos Rojo.


Chris Smalling, Matteo Darmian, Luke Shaw, Diogo Dalot iyo Victor Lindelof ayaa dhammaan shaki la gelinayaa in ay ciyaaraan.


 

Anthony Martial iyo Scott McTominay ayaa sidoo kale su’aal dultaagan tahay waxaase si rasmi ah loo xaqiijiyay inuu kulankan adag seegayoAlexis Sanches.


Xog - taariikhkeedakulanka iyo labada koox:


Liverpool ayaa hadii laga adkaato waxuu u noqonayaa 9 kulan oo aykulan horyaalka ka adkaan United tan iyo 1987.


66 guuldarro oo kasoo gaartay United ayaa ah tan ugu badna oo ay koox horyaalka ka ciyaarta ay kalakulantay kooxda Liverpool.


Hadii uu kulanku barbaro 0-0 kusoo idlaado waxuu sidoo kale noqonayaa marki u horaysay oo ay sidaasi dhacdo tan iyo 1921.


Liverpool:


Liverpool ayaa 16 kulanxilli ciyareedkan keensatay 42 dhibcood waana marki ugu wanaagsanayan oo ay horyaalka heerkaas ka gaalay.


17 kulan oo horyaalka laga ma adkaan Liverpool waxayna Rikoodhkaas oo kale samaysay 1990 oo ay xitaa gaartay 23 kulan.


Liverpool ayaan 28 kulan oo horyaalka loga adkaan garoonkeeda tan iyo kulanki ay 2-1 kaga libin heshay kooxda Crystal Palace April 2017.19 guul iyo 9 barbaro.


Saddaxda weeraryahan ee Liverpool, Mo Salah, sadio mane iyo Roberto Firmino ayaan gool ka dhalin kuna caawin 855 daqiiqo oo ay Man United ka horyimaadeen.


 

Alisson ayaan laga adkaan16-kiisa kulan ee ugu horeeya horyaalka waana rikoodh dhanka kooxdiisa ah.

Manchester United:



Guushii ay UnitedFulhan ka gaartay waxay ahayd tii ugu horaysay isku day 5kulan ah 3 barbaro iyo hal guuldarro ayay la kulantay.


Waxaa laga dhaliyay 26 gool 16 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareekan, waxayna laba gool ka yartahay tirda goolasha guud ee laga dhaliyaydhamaan xilli ciyaareedki 2017-18.


Man united waxay 16 dhibcood ka hooseysaa Liverpool ka hor ciida sanadlaha ee fasaxa sidaa oo kale waxayna dhacday 1990.


 

Jose Mourinho ayaalumiyay la kamid ah 16 kulan uu horyaalka ku qaabilay Liverpool kuwa aoo dhacay Chelsea 2007 iyo 2015 (guul 9,  barbaro 5).


Sikasta Mourinho ayaanan guul ka helin afar kulan uuKlopp la kulmo isagoo marti u ah2 barbaro iyo 2 guuldarro.


Juan Mata ayaa 3 gool ka dhaliyay 4 kalena ku caawiyay 7 kulan oo uuhoryaalka ku qaabilay Liverpool.

 

Safafka la filan karo:


Liverpool:

Alisson; Milner, Lovren, Van Dijk, Robertson; Wijnaldum, Fabinho, Keita; Salah, Firmino, Mane


Manchester United:

De Gea; Young, Bailly, Jones, Shaw; Herrera, Fellaini, Matic; Lingard, Lukaku, Rashford

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip