Arsenal oo guulaysatay iyo Man City iyo Cheslea oo garoomadooda lagu rafaadsaday

0
Saturday December 22, 2018 - 20:05:28 in Wararka by kubadbile news
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal oo guulaysatay iyo Man City iyo Cheslea oo garoomadooda lagu rafaadsaday

    Sabti- England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- England



Kooxda Arsenal ayaa garoonka 3-1 kaga adkaatay kooxda Burnley oo kusoo booqatay waxaana goolasha dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang oo laba gool dhaliyay iyo Alex Iwobi halka goolka qura ee Burnley uu saxiixay Ashley Barnes.


Dhankakale kooxda Horyaalka daafanacaysa Man City ayaa garoonkeeda looga yaabsaday waxaana 2-3 kaga adkaatay kooxda Crystal Palace oo marti u ahayd, Ilkay Gundogan ayaa daqiiqadi 27 hogaanka u dhiibay waxaase laba gool ugu badalay Jeffrey Schlupp iyo Andros Townsend waxaana qeybta hore lagu kala nastay1-2.



Kooxda Chelsea ayaa garoonka waxaa 0-1 uga libin heshay kooxda Leicester City oo martu u ahayd waxaana goolka oo qeybta labaad ee ciyaarta dhashay ugu shubay james Vardy.


Marki laysku soo laabtay waxaa Palace goolka saddaxaad oo rigoore ahaa u saxiixay Luka Milivojevic, waxaa City dhankeeda goolka labaad u dhaliyay Kevin De Bruyne oo bdal kusoo galay ciyaarta.


Guuldarda City ayaa ka dhigan in ay Liverpool hogaanka horyaaalka ku hayso 4 dhibcood oo nadiif ah.

Liverpool 48

Man City 44

Tottenham oo uu kulan baaqi u yahay 39

Cheslea 37 waxaana la wadaagta Arsenal

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip