Dugsiga Maxamuud Xarbi oo guul ku daah furtay tartanka kubbadda Cagta Dugsiyada sare ee degmada Warta Nabadda+Sawirro

0
Friday March 15, 2019 - 13:36:46 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dugsiga Maxamuud Xarbi oo guul ku daah furtay tartanka kubbadda Cagta Dugsiyada sare ee degmada Warta Nabadda+Sawirro

    Jimco- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco- Muqdisho



Waxaa shalay si rasmi ah xarunta degmada Warta Nabadda uga furmay tartanka kubbadda Cagta dugsiyada sare ee degmada Warta Nabadda, waxaana xaflada Furitaanka oo si heersare loo soo agaasimay kasoo qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Yariisoow) , Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Xasan Wiish, Masuuliyiinta degmada Warta Nabadda iyo mari sharaf kale.



Guddoomiyaha Isboortiga degmada Warta Nabadda Saacid Cabdi Xuseen oo ugu horayn goobta ka hadlay ayaa sheegay inqabashada tartankan ay waqti badan ku bixiyeen hadafkooduna yahay in ay dhallinyarada iskuulaadka ay helaan fursado ay kusoo bandhigaan xirfadooda ciyaareed, waxuuna mahad celin usoo jeediyay Maamulka degmada oo la’aantood uusan tartankan qabsoomeen.


Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in tartamada heer, Iskuul, heer waax iyo Heer Laan ee degmooyinka Gobolka qabanayaan uu qayb ka yahay qorshaha Xafiiska isboortiga Gobolkauu degmooyinka ku dhiirogeliyo qabashadooda si degmooyinka ay ciyaartooy da’yar ah oo tartamada degmooyinkamatala ay uga xushaan.


Guddoomiyaha Gobolka Ahna Duqa magaalada Muqdisho Inj. Cabdiraxmaan Cumar yariisoow oo tartanka daah furay ayaa sheegay qabashadatartankan uu muhiim u yahay dhallinyarada ku dhaqan gobolka gaar ahaan degmada Warta Nabadda kuwaas oo fursad badanoo ay ugu horayso isbrasho iyo isdhagal u tahay, isla markaana laghelayo xiddigo tayadoodu sarayso oo mustaqbal ku yeesha cayaaraha.


Kulanka oo furitaanka oo ay ku loolameen dugsiyadaMaxamuud Xarbi iyo Niileyn waxuu ahaa kulan ciyaareed aad u xiiso badnaa waxaana aad looga dheehan karay in ay si wayn ugu soo diyaargaroobeen labada iskuul, waxaana 6-5 ay guusha ku raacday da’yarta Dugsiga Maxamuud Xarbi.


Maxamuud Xarbi waxay goolasha ka heshay Ayuub C/laahi iyo Cabdiqani Xasan Maxamed oo min 2 gool u dhaliyay , Anwar Axmed Jimcaale iyo Cabdiqani Xersi C/laahi oo min 1 gool u saxiixay.


Dhanka dugsiga Niileyn waxay goolasha ka heleen, Sakarie Aweys Qaliif, Maxamed Cabdi Xasan iyo Maxamed Cali Cabdi oo 3 gool u saxiixay.


Maanta oo jimcaah waxaa jira laba kulan, waxaana ciyaaraya Dugsidaku jira Group B oo kala ah Hogya Xamar iyo Saalaxudiin oo kulanka koowaad ballansan iyo Ibnu quzama iyo Central Africa oo kulan labaad dheeli doona

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip