Garsoorayaasha kubadda Cagta oo tababar shan maalin soconaya looga furay magaalada muqdisho+Sawiro

0
Sunday April 14, 2019 - 21:44:38 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoorayaasha kubadda Cagta oo tababar shan maalin soconaya looga furay magaalada muqdisho+Sawiro

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa tababar dhanka garsoorka magaalada muqdisho uga furay garsoorka kubadda cagta, waxaana xafladda furitaanka kasoo qayb galay Kusimaha Guddoomiyaha Xiriirka Cali Cabdi Maxamed iyo Xoghayaha Guud ee xiriirka M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa tababar dhanka garsoorka magaalada muqdisho uga furay garsoorka kubadda cagta, waxaana xafladda furitaanka kasoo qayb galay Kusimaha Guddoomiyaha Xiriirka Cali Cabdi Maxamed iyo Xoghayaha Guud ee xiriirka Maxamed Muxudiin Axmed.



Tabarkan oo lagu baranayoisbadalada ku yimid shuruucda garsoorka kubadda cagta, sare u qaadida tabooyinka garsoorka iyo adeegsiga aalada lagu ogaado heerka tababarka garsoorka , waxaa bixinay Guddoomiyaha Guddiga garsoorka Xasan Wiish, Guddoomiye ku xigeen Aweys Cabdullahi, Madaxa fayaqabka garsoorka ( Fitness Instructor) Cabdi Cabdulle Baasaale iyoMacallin Maxamed Cabdulle Faraye.


Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka oo isla markaana kamid ahaa macallimiinta tababarka wax ka bixinaya oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan ay ugu talo galeen in ay sare u qaadaan heerka aqoonta garsoorka iyo sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen dhigooga qaaradda , horumarka garsoorkana uu muhiim u yahay horumarka naadiyada iyo cayaartoyda kubadda cagta dalka.



Guddoomiye Wiish ayaa intaa ku daray in tabaarkan ay ka qayb galayaan 25 garsoore oo ay kamid yihii garsoorayaal da’yaroo ay sanadkan fursad u siiyeen I ay horyaalka wax ka maamulaan, ayna ka go’an tahay in ay sare u qaadaaan aqoonta dhammaan garsoorka heerarkiisa kale duwan.


Xoghayaha Guud YuusufMuxudiin Axmed guddiga garsoorka iyo dhamaan garsoorka kubadda cagta ku amaanay dadaalka xoogganku jiraan, waxuuna ballan qaaday in xiriirka ay dabooli doonaan baahiyaha ay qabaan garsoorka si ay u tiigsadaan himilooyinkooda una horumariyaan kubadda cagta dalka.

Xoghayaha ayaa intaa raaciyay in qoyshaynayaa in sanadkiibala qabto ugu yaraan afar koorso oo tababar dhanka garsoorka, guddoonka garsoorkana ka wadhadleen, koorsooyinka nuucaana ay wax wayn ka tarayaan garsoorka oo dib uxusuusin casharadii ay horay usoo barteen kana caawinaysa inuu xal u helo qaladaadki dhacay.

Ku simaha guddoomiyaha Xiriirka cali Cabdi Maxamed(Cali Shiino) oo tababarka daah furay ayaa sheegay in howl culus ay hayaan garsoorka kubadda cagta , balse xiriirka ay ka doonayaan in ay labba jibbaaraan waxqabadkooda.

Cali Shiino ayaa intaa ku daray in wareegga hore ee horyaalka ay garsoorka qabteen howlo mudan in lagu amaano xiriirka ay markasta garab istaag iyo horumarin joogto ah dal iyo dibad diyaar ula yihiin.

Tababarkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan uusoo idlaaday wareegga hore ee horyaalka, waxayna mudada shanta maalin ee uu socon doonogarsoorka ku baran doona casharo isugu jiray dhanka fayoqabka iyo isbadalada dhanka sharciyada iyo sidii ay ku joogtayn lahaayeen sharciyadii ay horay u barteen.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip