Garsoorka kubadda cagta Soomaaliya oo bilaabay isticmaalka Aalada GPS-ka+Sawirro

0
Tuesday April 16, 2019 - 15:12:02 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoorka kubadda cagta Soomaaliya oo bilaabay isticmaalka Aalada GPS-ka+Sawirro

    Garsoorka kubadda cagta Soomaaliyeed oo uu todobaadkan tababar aqoon kororsi uga socdao magaalada Muqdisho ayaa maanta garoonka Banaadir looga qaaday tijaabooyinka orodka qaybahiisa kale duwan iyagoo adeegsanaya aalada lagu ogaado heerka tababarka iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoorka kubadda cagta Soomaaliyeed oo uu todobaadkan tababar aqoon kororsi uga socdao magaalada Muqdisho ayaa maanta garoonka Banaadir looga qaaday tijaabooyinka orodka qaybahiisa kale duwan iyagoo adeegsanaya aalada lagu ogaado heerka tababarka iyo fayoqabka garsoorka (On the Devices Monitoring Physical Fitness Performance) ( GPS)

Aaladan oo sanadkan laga dhaqan geliyay wadamada qaaradda Afrika ayaa loogu talo galay cayaartoyda iyo garsoorkasi loo agaado qaybaha ay ku wanaagsan yihiin iyo qaybaha ay ku liitaan mudada tababarka uu socdo, waxaana maanta isticmaalay garsoorayaasha heerarka kale duwan ee tababarkan loosoo xulay.


Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Xasan Aadan Xaaji Yabaraow ( Wiish) ayaa warbaahinta u sheegay in talaabo kale oo muhiim ah uu garsoorka Soomaaliyeed u qaaday dhanka Horumarka.



" Waxaan haysanaa garsoor lagu aamino kulamada heer qaran iyo heer koox ee ka dhaca qaaradda Africa ammaana ku mutaysta, sidaa awgeedka guddi ahaan inagoo kaashanayna madaxda xiriirka waxaa inaga go’an tahay inaan garsoorkeennna ka horumarino dhanka aqoonta kana hagab tirno agabka muhiimka u ah si ay ula jaanqaadaan dhiggooda qaaradda, ayuu Guddoomi Wiish sii raaciyay.


Tababarka garsoorka oo ay sidoo kale wax ka bixinayaan Macallin Maxamed Cabdulle Fare yare oo ah macallin darajada heerka koowaad ee macallinimo ee CAF haysta iyo madaxda Fayo-qabka Xiriirka Kubadda Cagta Cabdi Cabdulle Baasaale oo tababar la xiriirtaisticmaalka aaladan kusoo qaatay dalka Koofur Afrika ayaa kusoo idlaatay jawi ad u wanaagsan iyadoo garsoorka laga dareemayin ay diyaargarow wanaagsan usoo galeen tababarkan.


Soomaaliya ayaa noqotay wadanki sideedaad ee dhaqan galiya istcimaalka aaladan ooloo ogolaaday 54 dal ee qaaradda Afrika, waxayna taasi muujinaysa sida uu garsoorka kubadda cagta Soomaaliya dhanka kasta uga dadaalayo.


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip