Xiriirka Cayaaraha Fudud oo ka qayb galay Shirwaynaha 28-aad ee xiriirka cayaaraha ee qaaradda Afrika+Sawirro

0
Thursday April 18, 2019 - 16:18:20 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Cayaaraha Fudud oo ka qayb galay Shirwaynaha 28-aad ee xiriirka cayaaraha ee qaaradda Afrika+Sawirro

    Waxaa magaalada Abidjan ee caasiadda dalka Ivory Coast ka dhacay shirwaynaha 28 ee ciyaaraha Cayaaraha Fudud ee qaaradda Afrika kaasoo lagu dooranayay hogaanka cayaaraha fudud ee qaaradda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Abidjan ee caasiadda dalka Ivory Coast ka dhacay shirwaynaha 28 ee ciyaaraha Cayaaraha Fudud ee qaaradda Afrika kaasoo lagu dooranayay hogaanka cayaaraha fudud ee qaaradda.

 

 

 

Dooraashan waxaa Soomaaliya uga qayb galay Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud Drs Khadiijo Aadan Daahir,waxaana ku loolamayay Hamad Kalkaba Malboum oo dalka Cameroon u dhashay iyo Amara Khaled dalka Tunisa u dhashay.


 

Doorashadan oo ay codeeyeen 51 dal oo ku midaysan Xiriirka cayaaraha fudud ee qaaradda (Afrika(African Confederation of Athletics ) (CAA) waxaa44 cod helay Hamad Kalkaba Malboum halka 7 cod uu keensaday Amara Khaled, waxaana markale hogaanka qaaraddaloo doortay Hamad Kalkaba Malboum.



Hamad Kalkaba Malboum oo xilkan hayay tan iyo 2003-di ayaa markii ay doorashada dhacday waxuu yiri” Aniga iyo Amara waxaan saaxiibo nahay tan 1999 waana nin wanaagsan oo halgan badan,” maanta aniga ayaa guulaystay berrina isagaa guulaysanaya.


Xiriirka cayaaraha Fudud ee qaaradda Afrika ayaa ka mid ah xiriirada si wayn loogu amaano cayaaraha fudud qaybtiisa orodka gaar ahaan 800 iyo waxii kasii sareeya , basle orodka 100 ilaa 400 aad looga gacan sareeya iyo qaybaha kale ee cayaaraha fudud, waxaana hogaanka cusub ee dib loo doortya laga doonayaan inuu horumariyo qaaradda Afrika oo idil.


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip