Soomaaliya oo bandhig wanaagsan ka samaysay cayaaraha da'yarta qaaradda Afrika

0
Wednesday April 17, 2019 - 10:18:16 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo bandhig wanaagsan ka samaysay cayaaraha da'yarta qaaradda Afrika

    Cabdirisaaq Cabdirexmaan Ismaaciil ayaa kaalin wanaagsan ka galay tartanka orodka 1500 mitir cayaartoyda ay da'doodu ay ka yartahay 18 sano oo ka dhacay magaalada Adidjan ee caasimadda dallka Ivory Coast.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdirisaaq Cabdirexmaan Ismaaciil ayaa kaalin wanaagsan ka galay tartanka orodka 1500 mitir cayaartoyda ay da'doodu ay ka yartahay 18 sano oo ka dhacay magaalada Adidjan ee caasimadda dallka Ivory Coast.

 

 

Cabdirisaaq Cabdirexmaan Ismaaciil ayaa orodka1500 mitir oo finaal ahaa la tartamay 15 ciyaaryahan waxuuna ka galay kaalinta shanaad ee tartanka, waxuuna ka hormaray 11 cayaaryahan oo ka socday dalalka Marroco, Djibouti, Algeria, Lesoto, gambia, Ivory Coast, Benin, Liberia.

Tartanka waxaa kaalmaha look helay

1. Vincent Kibet Keter KENya3:40.28,

2. Fentahun Gezahign Yihun ETH 3:43.64,

3. Peter Kibui Wangari KEN 3:45.50,

4. Mohamed Farhan DJI 3:49.63,

5- AbdirsaqAbdirahman Ismail 3:50.88

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee cayaaraha Fudud Drs Khadiijo Aadan Daahir oo wafdiga hogaaminaysay ayaa sheegtay in Cabdisaaq ookali karay kaalinka wanaagsan tan uu hadda galay, saacad wanaagsan uu sameeyay , basle waayo aragnimo loogu itaal roonaaday maadaama uu tartankan uu ahaa kii ug horeeyay ee heer caalami ah ee uu ka qayb qaato.

Dhanka kale Guddoomiye Khadiijo ayaa sheegtay in rajo wanaagsan ka qabaan orodka 800 miti oo berry qabsoomi doona waxaa calanka Soomaaliya matali doona.

Tartanka oo ah tartanki saddexaad oo ay xiriirkacayaaraha Fudud u qabtaan ciyaartoyda da’doodu ka yar tahay 18- sano ayaa soo bilowday 15 bishan April waxuuna soo idlaan doonaa 20 -ka April.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip