Astaan Sports oo si dirqi kaga adkaatay Muqdisho Cable Tartanka Xiddigaha kubadda Gacanta+Sawirro

0
Monday April 29, 2019 - 13:43:22 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Astaan Sports oo si dirqi kaga adkaatay Muqdisho Cable Tartanka Xiddigaha kubadda Gacanta+Sawirro

    Xiddigaha Astaan Sports ayaa si dirqi ah kaga adkaatay dhigooda Muqdisho Cable oo kulan aadu xiiso badan uu dhex maray garoonka Xarunta degmada Cabdicasiis.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddigaha Astaan Sports ayaa si dirqi ah kaga adkaatay dhigooda Muqdisho Cable oo kulan aadu xiiso badan uu dhex maray garoonka Xarunta degmada Cabdicasiis.

Kulankan oo ahaa kulanki labaad ee tartanka xiddigaha kubadda Gacanta 2019 ayay labada koox oo  ku kala cayaarayayay magacyada Shirkadaha  warbaahinta Astaan Sports oo ka tirsan Astaan Media iyo Muqdisho Cable  soo bandhigeen kulan ciyaareed taageerayaashu ka warhaleen dhawaqa seeriga cadaynaya  dhamadka qaybta koowaad ee cayaarta sida uu xiisaha u lahaa awgeed.


Xiddigaha ku cayaarayay Muqdisho Cable ayaa bilowga cayaarta ahaa kuwa markasta hogaanka cayaarta hayay waloow ay maraskasta astaan ka dagaalamaysay in wax ka badan hal gool hogaanka loga qabto isla markaana soo barbaraynaysay, waxaase qaybta hore lagu kala nastay 13-12 oo ay hogaanka ku hayaan Xiddigaha Astaan.



Marki laysku laabtay Astaan Sports ayaa 3 gool hogaanka ku qabatay waxaase maya ku yiri Xiddigaha Muqdisho oo 3 gool oo si degdeg ah loo dhlaiyay kusoo barbareeyay waxayna cayaartu noqotay mid hogaankaaan kooxi ku nasan, basle ugu dambayn waxay guusha 24-23ku raacday xiddigaha Astaan Sports.


C/raxmaan Xuseen Maxamed ( Cadde) ayaa noqday dhaliyaha goolasha ugu badan ee kulanka waxuu shabaqa ku hubsaday9 gool.

Maanta waxaa jiri doona hal kulan waxaana wada ballansan xiddigaha Generaal Daauud GYM iyo Umah Hospital.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip