Orodyahan Cabdi Da'uud Rooble oo Zambia ka Muujiyay Isbeddelka horumarka leh ee ay sameyneyso Oroddada Soomaaliya+Sawirro

0
Saturday May 04, 2019 - 22:28:36 in Wararka by Hussein Hadafow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Orodyahan Cabdi Da'uud Rooble oo Zambia ka Muujiyay Isbeddelka horumarka leh ee ay sameyneyso Oroddada Soomaaliya+Sawirro

    Sabti- Zambia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Zambia



Oradyahanka heerka caalami ee dalkeena Soomaaliya Cabdi Daaud Rooble ( Cabdi Lucky) Kaasoo caan ku ah orodka masaadafada fog sida, 5,000, 1000, 10 KM, 22 Km iyo Maratahon-ka 42 Km ayaa markalelasoo baxay wacdaro ciyaareednatiijo guul uu sare uga qaaday Calanka Soomaaliya kadib markii uu kaalinta Saddexaad ka galay orodka 10km oo lagu qabtay.


Tartanka oo ah mid sanadkasta la qabto waxaa ka qayb galay 17 dal oo qaaradda Afrika ka socday waxaana marki u horaysay ka qayb galay dalka Soomaaliiya oo u calanka u siday Cabdi Daaud rooble ( Cabdi Lucky).



Orodyahan Cabdi Daaudayaa ku orday 30:24 soddon daqiiqo iyo 24 ilbiriqsi isagoo tiigsaday kaalinta saddexaad ee tartanka kana hormaray cayaaryahano badan oo safka hore ku loolamayay.


Oradyahan Lucky ayaa ka hor tartanka 28 bishi April tartanka Marathon oo 42 KM kaga soo qayb galaymagaalada Humburg ee dalka Germany isagoo kaalinta 24 kasoo galay kuna orday2:25 laba saac iyo shan iyo labaatan daqiiqo, waxuuna tartanka 10 KM ee dalka Zambia ordayisagoo safar dheer soo galay kana soo gayb galay tartanka xooggan kan Zambia,waxuuan muujiyay dadaal iyo karti dheeri ah si uu calanka soomaaliya sare ugu qaado.


Cayaartoydaheerka caalami ee cayaaraha Fudud ee dalka ayaa sanadkan waxuu u yahay sanad ay gaareen guulo muhiim ah biladanada dalka usoo hoyeen iyagoo wali lagu jiro bilihii hore ee sanadka tartamo kalena ay ka qayb gali doonaan, waana juhdi ayGuddiga Olombikada qaranka Somaaliyeed iyo Xiriirka cayaaraha fudud geliyeen si guulahan loo tiigsado.


Halkan ka aqriso tartamada ay ka qayb galeen iyo natiijooyinka ay kasoo hoyeen.

March 15 .2019 Djibouti International Meetiin.

Orodka 800 Mitir Biladda kaalita koowaad ( Biladda dahabka) Da’yarta

Orodka 1500 Mitir Kaalinta Koowaad ( Biladda dahabka) Da’yarta

Orodka 300 Kaalinta afaraad ( Da’yarta)

Orodka 1500 Mitir kaalinta 7-aad da’waynta

Anoca Zone 5 Youth Games 2019 April 2-6

Orodka 1500 Mitir kaalinta 3-aad ( Biladda Maarta) da’yarta.

 

 Humberg Ful Marathon 28 April 2018


Oradka full marathon 42km  Kaalinta 24-aad


 

Cayaarayaha 14-aad ee 20 jirada qaaradda Afrika oo dalka Ivory Caost ka dhacay 16- 20 April 2019.

Orodka 1500 mitir kaalinta 5-aad

 

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip