Mourinho oo leylin doona xulka qaranka Syria

0
Sunday April 03, 2016 - 19:09:33 in Wararka by Nasri Ahmed
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho oo leylin doona xulka qaranka Syria

    (Kubadbile) Tan iyo bishii December shaqo la'aan ayaa heysa macallinkii laga soo eryay kooxda kubadda cagta Chelsea, Jose Mourinho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Kubadbile) Tan iyo bishii December shaqo la'aan ayaa heysa macallinkii laga soo eryay kooxda kubadda cagta Chelsea, Jose Mourinho.

Macallin Mourinho ayaa dhowrayay inuu dib ugu soo laabto shaqada maareynta, walow uu xiiseynayay helidda shaqada Old Trafford xilli kooxda Red Devils ay waqti adag ku jirto uuna u horseeday Van Gaal.

Fursad leylin ayuu macallinkan markan helay, mase aha tii uu ku riyoonayay oo uma riyaaqi doono, waxaase warqad codsi u soo diray xiriirka kubadda cagta Syria oo doonaya ninka reer Portugal inuu xulka qarankooda tababaro.

Mareegta bulsheed oo rasmiyan ay xiriirka kubadda cagta Syria u leedahay ayaa lagu soo qoray warbixin u dhaceysay "Kaddib kulan ay yeesheen Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Syria; Salahuddin Ramadan, Ku xigeenka ururka ay ku mideysan yihiin kooxaha heerka qaran, Agasasimaha kooxda koowaad ee qaranka, Fadi Dabbas iyo Xoghaya guud ee xiriirka kubadda cagta Syria Qutaiba al-Rifaiit, waxay aheyd wax weyn inaan u dirno wakiilka Jose Mourinho warqad codsi oo aan ku dooneyno in uu Mourinho tababaro Xulka kubadda cagta qaranka Syria."


Jose Mourinho ayaanse la ogeyn wuxuu ka dhihi doono dalabka Syria uga yimid xilli uu weli ku haminayo inuu koox weyn dalab ka helo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip