Taageerayaasha Besiktas oo Xiray Waddooyinka Istanbul, Farxadda horyaalka Awgeed "Sawirro"

0
Monday May 16, 2016 - 10:15:40 in Wararka by
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaasha Besiktas oo Xiray Waddooyinka Istanbul, Farxadda horyaalka Awgeed "Sawirro"

    Mario Gomez Waa geesiga u suura geliyay Senol Gunes wiilashiisa hanashada Horyaalkii 14-aad ee Waddanka Turkey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mario Gomez Waa geesiga u suura geliyay Senol Gunes wiilashiisa hanashada Horyaalkii 14-aad ee Waddanka Turkey.

BESIKTAS ayaa aad ugu dabbaal degtay soo afjarka ku guuleysi la’aan horyaalka 7 sano oo lasoo dhaafay, keddib bandhig heer sare ah oo ay xagaagan kooxdu sameysay.


Mario Gomez ayaa dhaliyay goolkiisii 26-aad ee xagaagan, kaasoo kooxda Istanbul u suura geliyay hanashada Super Liga keddib 3-1 ay ku suul daartay Osmanlispor.


Brazilian difaaca u dhashay Marcelo ayaa sidoo kale gool dhaliyay si ay kooxdiisa Besiktas Guul u gaarto.



Guushan ayaa la macne ah in Senol Gunes ay dhanka dhibcaha 6-dhicood u jirsadeen Fenerbahce — oo iyaduna Genclerbirligi ku garaacday 2-1 — iyadoo kaliya 1 kulan uu horyaalka ka harsanyahay.


Dabbaal degyada Besiktas ayaa soo xiray goolal ay dhaliyeen Robin van Persie iyo Nani oo ay Fenerbahce is laheyd waad ugu dhowaateen Kooxdan.


Kooxda aadka u adag ee Galatasaray ayaa fadhisa kaalinta 6-aad ee horyaalka iyadoo la ogyahay in ay kaliya 1 kulan oo horyaalka ah heysato si ay u soo xirto xagaageedan oo foolxumo ugu dhammaaday.


Haddii ay badiyaan kulankooda u dambeeya ayeyse u soo wareegi doonaan kaalinta 5-aad.


Besiktas taageerayaasheeda oo sita Calanka kooxda oo midabada loo kala duway ayaa waxaa ay Waddooyinka Caasimadda Turkiga ku sameynayaan dabbaal deg ay kusoo dhoweynayaan hanashada Horyaalkoodii 14-aad ee Dalkaas.


Halka Besiktas Xiddigaheeduna ay si gaar ah dhankooda u dabbaal degayaan.


Germany wiilka ka yimid ee Gomez ayaa noqday xagaagan geesiga kooxda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip