Goolhayihii Iiraan oo 6 Bilood laga mamnuucay Kubadda Cagta

0
Thursday June 09, 2016 - 10:22:46 in Wararka by Kubad Bile
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goolhayihii Iiraan oo 6 Bilood laga mamnuucay Kubadda Cagta

    (Kubadbile)-Goolhayaha Xulka Kubadda Cagta Dalka Iiraan Sosha Makani,ayaa laga mamnuucay Kubadda Cagta kadib markii uu xirtay Dharka Boombalayaasha ee Mamnuuca ka ah Ciyaartooyda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Kubadbile)-Goolhayaha Xulka Kubadda Cagta Dalka Iiraan Sosha Makani,ayaa laga mamnuucay Kubadda Cagta kadib markii uu xirtay Dharka Boombalayaasha ee Mamnuuca ka ah Ciyaartooyda.




Makani, oo Horyaalka heerka 1aad ee Iiraan Ciyaaray Xagaagii la soo dhaafay ayaa waxaa hadda laga joojiyay Ciyaaraha 6 Bilood,waxaana lagu heystaa Surweelka uu xirtay ee Dharka Boombalayaasha ah.


Ciyaartooyda ayaa waxaa ka mamnuuc ah in ay shabbahaan ama isu ekeysiiyaan,waxyaabaha aan bani’adamka ahayn taas oo lagu sheegay in ay dhaawac ku tahay Sumcadda Waddanka ama Kooxda ay metalayaan iyo Ciyaaryahanka laftiisa.



Makani, oo 29 Jir ah ayaa Xabsiga Tehraan la dhigay Bishii January ee Sanadkan kadib markii Isaga oo isu ekeysiiyay Dumar lagu dhex arkay Gabdhaha Xulka Iiraan ee kubadda Cagta,waxaana uu ku muteystay Xabsi.

Warbaahinta Iiraan ayaa qoraya in aysan hubin in Xukunka Makani,uu la xiriiro dhoacdooyinkii hore iyo in uu si gaar ah ugu dhacay Sarweelka uu xirtay ee dharka Boombalaha ah.

W/D:Adam Ibrahim Farah "Showqi”

adamshowqi@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip