Sidee Loo qeyb Saday Macaashkii Lacageed Ee Euro 2016 Laga faa'iidey?

0
Tuesday July 12, 2016 - 16:04:34 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 2124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Loo qeyb Saday Macaashkii Lacageed Ee Euro 2016 Laga faa'iidey?

    Switzerland- July, 12,2016

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Switzerland- July, 12,2016
 

 

Koobka qaramadda yurub 2016 ayaa 10 July lagu soo gebagabeeyay dalka Faransiiiska waxaana koobka oo ay ku loolamayeen 24 dal ku guuleystay dalka Portugal oo kama dambeysti koobkan 1-0 kaddib waqti dheeri ah kaga qaaday xulka Marti gelinayay France.


Xiriirka kubbadda cagta qaaradda Yurub ( Uefa) ayaa markii uu tartanka idlaaday soo saaray sidasanadkan daqliga macaaska ay dalalka u kala heleen


Qarash dhan €301m oo lacagta Euro ah ayaa loo qeybiyay 24tadal ee tartanka kasoo qeyb galay waxayna u kala heleen sidatan.



Xul walba oo ku guuleystay tartanka inuu ka soo qeyb galo ayaa jeebka ku shubtay adduun lacageed dhan €8 million, oo ay u dheer tahay abaal marino kale oo ku xiran qaab cayaareedkooda.


Xulka Portugal oo koobka hantay ayaa helay lacag dhan €8m oo dheeri ka ah lacag walba oo uu ka soo helay kulamaddii uu soo cayaaray iyo tii ay xulalka kale kala sinaayeen.


Portugal ayaana wadar ahaan lacaa u badan hantay markii uu jeebka gashtay €27 million, waxaana sabab u ah hanashada horyaalnimada Yurub oo goortii u horeysay ee taariikhda ay xaqiiqsadeen.


Xulka Kaalinta labaad Frace ayaa lacagihii uu ka helay ka qeyb galka tartanka iyo qaab cayaareedkiisii isna waxaa u dheeraa €5m oo uu ku muteystay soo gaaridda kama danbeysta cayaarahan.


Lacagta uu xul kaste muteystay €8 million


Lacagta uu helay xulkii tartanka qaaday €8 million


Lacagta u soo xarootay xulkii Finalka yimid ee kufay €5 million


Wadamada Semi Finalka soo gaaray €4m


Dalka wareegga Sideedda kasoo muuqday €2.5m


Wareegga 16-ka dalalka soo gaaray €1.5 m


Waddamadi wareegga Group-ka guul gaaray €1 m


Waddamadi barbaro keensaday wareegga Group-ka €500,000

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip