Allardyce oo yiri Rooney masii ahaan doono Kabtanka England, yaa beddelaya?

0
Monday July 25, 2016 - 14:54:33 in Wararka by
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Allardyce oo yiri Rooney masii ahaan doono Kabtanka England, yaa beddelaya?

    Sam Allardyce ayaa diiday in uu xaqiijiyo Kabtannimada xulka England in uu sii heysanayo Wayne Rooney isla markaana sheegay in uu jiri karo dooq cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sam Allardyce ayaa diiday in uu xaqiijiyo Kabtannimada xulka England in uu sii heysanayo Wayne Rooney isla markaana sheegay in uu jiri karo dooq cusub.

Gooldhaliyahan ayaa Kabtan u ahaa kooxdii macallin Roy Hodgson tan iyo August 2014, wax yar ka hor inta uusan Kabtannimada Manchester United ugu sii darin Tababare Louis van Gaal.


Allardyce, oo saxiixay 2-sano oo qandaraas ah ayaa beddelay Hodgson lana wareegay macallinnimada England Jimcihii na dhaafay, Go’aan kale ayuu sheegayaa in uu kasoo bixi karo cidda xulka Hoggaamineysa.



"Saadaasha cidda noqoneysa Kabtanku waa mid aad u fog," Wuxuu u sheegay wariyeyaasha.


"Waxaan ahaan doonaa mid ku xiran Go’aanka xiriirka iyo Ciyaartoyda."


Allardyce ayaa qaban doona hoggaanka England markiisa u horreysay September 1 oo ay ciyaarayaan Kulan saaxiibtinnimo, waxaana lasii warinayaa in ay la qaadaneyso Croatia, ka hor billowga is reereebka Koobka Adduunka 2018-ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip