Ronaldo ma ciyaari doono Kulamada billowga La Liga 2016-17

0
Saturday July 30, 2016 - 08:01:36 in Wararka by
  • Visits: 374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo ma ciyaari doono Kulamada billowga La Liga 2016-17

    Zinedine Zidane ayaan aqbalin in Cristiano Ronaldo uu diyaar u yahay Real Madrid kulanka ugu horreeya ee xagaagan oo bisha soo socota dhici doona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Zinedine Zidane ayaan aqbalin in Cristiano Ronaldo uu diyaar u yahay Real Madrid kulanka ugu horreeya ee xagaagan oo bisha soo socota dhici doona.

Ninkan u dhashay Portuguese-ka ayaa dhaawac kasoo gaaray kulankii dhammaadka ee Euro 2016 horraantii July wuxuuse la ildaranyahay dhaawac uu gaarsiiyay boos dhexaadka France Dimitri Payet.


Weeraryahanka ayaan kusoo biirin safka Real Madrid iyo tababarka midna, ciyaaraha Fasaxa ee kooxdu ay ku joogto Dalka Mareykanka.


Hadda, Zidane ayaa meesha ka saaray in Ronaldo uu imaan karo UEFA Super Cup oo ay wajahayaan kooxda hanatay Europa League ee Sevilla sidoo kale wuxuu diiday in uu wajahayo Real Sociedad kulankooda furitaanka La Liga ee dhacaya August 21.



"Cristiano waa uu maqanyahay Super Cup. Xataa kulanka ugu horreeya ee horyaalka, waan arki doonnaa," waxaa yiri macallinka Real Madrid.


Zidane ayaa sidoo kale qaba digniin ku aaddan Karim Benzema oo imaan doona Super Cup, balse wuxuu yiri isaguna ma dheelayo kulanka Madrid ee International Champions Cup oo ay maanta wajaheyso Chelsea.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip