Lama Arag Messi ama Suarez, Ronaldo, Bale iyo Griezmann oo isugu soo baxay Tartanka UEFA award

0
Sunday August 07, 2016 - 11:27:31 in Wararka by
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lama Arag Messi ama Suarez, Ronaldo, Bale iyo Griezmann oo isugu soo baxay Tartanka UEFA award

    UEFA ayaa baahisay 3-da laacib ee ugu dambeysa kuwaa oo tartan u gelaya laacibka ugu fiican Europe, runta ayaana ah in dhammaan ay ka yimaadeen magaalada Madrid iyo LaLiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UEFA ayaa baahisay 3-da laacib ee ugu dambeysa kuwaa oo tartan u gelaya laacibka ugu fiican Europe, runta ayaana ah in dhammaan ay ka yimaadeen magaalada Madrid iyo LaLiga.

Cristiano Ronaldo, Antoine Griezmann iyo Gareth Bale, ayaa ah seddaxda nin ee la doortay, waxayna ka kala socdaan labada koox ee ka dhisan Madrid waa Atletico iyo Real.


Real iyo Atlético ayaa ahaa kuwii gaaray Champions League final, halka Portugal iyo France, oo ay ka kala yimideen Cristiano iyo Griezmann, ay iyaguna isugu yimideen final-kii Euros – halkaas oo Wales, ay soo gaartay semi-final, waxaana ka yimid ninka lagu magacaabo Bale. Nimankan 3-da ah ayaana tartami doona.

Midna kuma jiro Messi, Suárez ama Neymar...

Dabcan, waa dharbaaxo xooggan oo ku dhacday Barcelona, oo heysata weerarka 3 aflaha ah ee Lionel Messi, Luis Suárez iyo Neymar oo safkan ugu yaraan midkood laga filayay.



Xiddigaha 'MSN' looma hayo fursad, Barça ayaa hanatay kaliya horyaalka La Liga iyo Copa del Rey. Balse Champions League (waxaa si caadi ah uu utegay Madrid, taasoo kooxaheedu wax fiican sameeyeen), waxay ku hareen 8 dhammaadka. Xiddigaha ka yimid koofurta America, midkoodna ma imaan France. Messi iyo Suárez ayaa jiray Copa América, kaasoo aysan billado fiican ka keenin. Neymar xataa kama uusan mid aheyn oo wuxuu jiray Olympics.


Tartanka 3-da nin ee u dambeeya

Griezmann ayaa joogay labadaba Atlético iyo France oo final gaaray in kastoo uusan midna wax la qaadin. Fursadda uu kusoo galay tartanka ayaana halkaas ka timid.


Bale ayaa waqti fiican helay tan iyo imaatinkiisii Bernabéu – in kastoo uu dhowr kol dhaawacmay – xulkiisa Wales ayuu taariikh aysan abid sameyn la sameeyay.


Markaad ka hadleyso Cristiano, oo Real Madrid la qaaday CL, wuxuu sidoo kale la qaaday Euro 2016 Xulkiisa Portugal oo taariikhda aan koob weyn qaadin markaas ka hor.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip