Kulankii Caashaqa: Xiddiga ka Tirsan Kooxda Manchester United Iyo Xarfaan Kale Oo U Daawasho Tagay Ciyaar Ay Xiiseeso gabadha Quruxda Badan Ee Ana Ivanovic

0
Monday November 21, 2016 - 12:53:12 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 1914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Caashaqa: Xiddiga ka Tirsan Kooxda Manchester United Iyo Xarfaan Kale Oo U Daawasho Tagay Ciyaar Ay Xiiseeso gabadha Quruxda Badan Ee Ana Ivanovic

    Isniin-21-11-2016 MUqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-21-11-2016 MUqdisho



Halyeeyga aan laga jecleyn xerada Manchester United Bastian Schweinsteiger si lama filaan ah waxa uu uga soo muuqday kursi aan ka mid aheyn kuraasta garoonka Oldtraford,isbuucan isagoo daawade u noqday gabadha xaaskiisa ah ee caanka ku ah xirfadda ciyaarta tennis-ka , waxayna ka ciyaareysay ciyaar kamid ah tartanka ATP World Tour , hase ahaatee waxay si kale u daawasho tagtay iyadoo uu wehliyo seygeeda gabadhan lagu magacaabo Ana Ivanovic finalkii ATP World Tour , waayo si waalan ayuu u jecel yahay waayeelkan.



Lamaanayaashan waxay si dadban u casuumeen tiro kale oo kamida kuwa ugu caansan aduunka , iyagoo xitaa daawadayaal u ahaa kulankii Andy Murray uu ku garaacay Novak Djokovic sadka dhan 6-3, 6-4 , oo uu ku noqday laacibka No 1 –aad ee dunida.


Farxada qoyska Schweinsteiger iyo marwo Ivanovic ,waxay aheyd mid sare, waxaana kasoo qeyb galayaashii bandhiga kamid ahaa jilaayaal sare oo can ka ah shirkadda Hollywood , sida Jude Law, Kevin Spacey iyo Woody Harrelson, halka xirfadleyda kubadda cagta ee soo xaadiray iyana ay kamid ahaayeen Olivier Giroud,halyeygii hore xulka france haddana ah suxufi ciyaaraha falanweeya Robert Pires, Gerard Pique iyo Riyad Mahrez, iyo shactiroolayaasha caanka ah ee Miranda Hart iyo Cliff Richard.


Xamaasadleyda lacagaha ku bixiya daawashada laacibiinka ka ciyaarta garoonka Old Trafford ayaan la dhacsaneyn waxa ka socda kooxda, tan iyo bilaawgii xilli ciyaareedkan waxaa si sare u kacay sheekada ah in tababare Jose Mourinho uu jecelaan lahaa inuu iska baxo waayeel Schweinsteiger ,inkastoo laacibkaan uu sheegay inuu u sii ciyaari doono Manchester United.


W/Q Maxamed-Bishaar barre jaamac

bishaar125@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip