Hordhaca Horyaalka Soomaliya:-Elman VS Banaadir SC Iyo Dagaalkii Barxada Macalimiinta Reer Uganda

0
Thursday November 24, 2016 - 20:33:03 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca Horyaalka Soomaliya:-Elman VS Banaadir SC Iyo Dagaalkii Barxada Macalimiinta Reer Uganda

    25-11-2016-Jimco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

25-11-2016-Jimco


Elman ayaa soo dhawaynaysa kooxda difaacanaysa Horyaalka Soomaliya ee Banaadir SC iyagoo wada ciyaaridoona kulankii 7-aad ee Horyaalka Soomaliya 2016-2017.

Elman ayaa guul ku daah furtay Horyaalka ka dib markii 18-11-2016 ay la ciyaartay Naadiga Heegan,xili ay ku dharbaaxday 2-0 waxaana goolasha u dhaliyay Maxamed Xasan Cali (Shiine Afgooye) iyo Cabdi Shakuur Maxamuud Maxamed (Aala).



Banaadir SC iyadana kulankii kowaad ee Horyaalka waxa ay la ciyaartay kooxda dhawaan galka ee Muqdisho United,xili Banaadir SC ay kagabadisay 3-1 waxaana goolasha u dhaliyay Mustaf Maxwell oo labo gool u dhaliyay kulankaas iyo Maxamed C/Risaaq Maxamed (Jaayna).

Maxaa Cusub Labada Koox

1.Elman waxaa hogaamindoono Macalin Robert Mayango oo u dhashay dalka Uganda,isagoo da’diisa tahay 29-jir wuxuuna haystaa aqoonsiyada macalimo heerarka kala duwan sida (Lience C)-(Leince B) iyo (Leince A),isagoo ka soo shaqeeyay dalal badan oo qaarada Afrika.


2. Macalin Blangu Hussein isagana waxa u dhashay dalka Uganda da’diisuna waxa ay tahay 40-jir wuxuuna haystaa aqoonsiyada kala ah (Lience C)-(Leince B),xili uu hada Blandu diyaarinayo Heerka kowaad ee aqoonsiga macalinimo ee (Leince A).


3. kooxda difaacanaysa Horyaalka Soomaliya ee Banaadir SCayaa nan laga badin 22 kullan oo xiriir ah oo horyaalka Soomaaliya xilli ciyaareedkii soo dhamaaday iyo kii kasii horeeyay,waxaana kulan ay qasaarto ugu dambeesay 13-05-2016, Banaadir SC ayaa guul daradaas ka kulantay kooxdii uu hogaaminayay Macalin Cabdi Weli Maxamed Maxamud (Cabdi Joon).


4. Waa markii ugu horeesay Horyaalka Soomaliya ay isaga hor imaadaan macalimiin u wada dhashay dalka Uganda kuwaas oo kala Hogaaminaya kooxaha ugu hanashada badana Horyaalka Soomaliya ee kala Elman iyo Banaadir SC.

5. Elman waxa ay ku guleytsay 6-horyaalka waxa ay Xagaagan raadinaysaa kii 7-aad, halka Banaadir SC ay iyadana ku guleysta 5-koob waxa ay raadinaysaa xili ciyaareedka kii 6-aad in ay hamiyaan.

6. Elman iyo Banaadir SC waxaa si wadjir ugu soo muuqandoono xirfadyaal u wada dhashay qaarada Afrika sida dalalka Ugand,Nigeri,iyo dalka dariska aan nahay ee Kenya.

7. Macalin Robert Mayangi kulankii ugu horeesay ee horyaalka waxa uu ka badiyay Naadiga Heegan,halka Macalin Mbalangu Hussein isagan ay kooxdiisa dharbaaxday kooxda dhawaan galka ee Muqdisho United.

Safka La Filan Karo Labada Koox

Safka Elman

Gool haye:-Luyim Sulati

Daafacyada:-Nuur Ibraahim Cali, Ssebuliba Abdelnoor,Maxamed Xasan Cali, Xasan Cali Rooble,

Qadka Dhexe: - C/qaadir Axmed Cumar, C/llahi Yuusuf Cusman, Nayanzi Ronaldo.

Weerarka:-Cumar Muumin Daahir, Ssembatiya Godfry, C/Shakuur Maxamed Maxamud (Aala).

Safka Banaadir SC

Gool Haye:-Thomas Mwangi

Daafacyada:-Maxamed Axmed Xuseen, C/Nasir Yuusuf Axmed, Ciise C/qaadir Ibrahim, Irshad Salax Ifoow.

Qadka Dhexe:-Kinene Kafunayo Imam, Cali Cumar Cali, Mustapha Maxwell

Weerarka:-Daadir Amiin Cali Raage, Marcel Samson, Maxamed C/Risaaq Maxamed.


Is Araga kooxaha Elman VS Banaadir SC

02/07/2012 Elman FC 1:1 Banadir S.C

18/10/2012 Banadir S.C 1:2 Elman FC

12/11/2013 Elman FC 1:3 Banadir S.C

21/02/2014 Banadir S.C 0:0 Elman FC

13/04/2015 Elman FC 0:0 Banadir S.C

22/01/2015 Banadir S.C 1:1 Elman FC

14/01/2016 Banadir S.C 2:1 Elman FC

22/03/2016 Elman FC 1:1 Banadir S.C


Ogeysiiska Kulanka

Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2016-2017

Kooxaha:-Elman VS Banaadir SC

Tariikhda:-25-11-2016

Maalinta:-Jimco

Cimiladda Xiliga Ciyaarta: - 30°24°
Qiimaha Kulanka: - 10 Shilling Somali

Aadan Axmed Sheikh (Gabyow)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip