Deeq C/llahi Nuur (Deeq Aariyo) Oo Noqday Laacibka Loogu Isticaaml Badanyahay Magaciisa Baraha Bulshada.

0
Wednesday November 30, 2016 - 10:47:08 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deeq C/llahi Nuur (Deeq Aariyo) Oo Noqday Laacibka Loogu Isticaaml Badanyahay Magaciisa Baraha Bulshada.

    30-11-2016m Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

30-11-2016m Muqdisho


Xiddiga heerka caalami ee dalkeena Soomaaliya iyo naadiga booliska Soomaliyeed ee Heegan kana xamaasha booska weeraka Deeq C/llahi Nuur (Deeq Aariyo) ayaa noqday laacibka loogu isticmaal badanyahay magaciisa baraha bulshada sida Facebook-ga twitter-ka iyo aaladaha kale ay bulshada kuwada xariirto.


 

Deeq Aariyo oo kusoo caan baxay magaalada Kismaayo caana ku ahaa ciyaaritsa kubbadda cagta una u soo ciyaaray kooxo badan oo k adhisan Kismaayo ayaa sanadii 2010 waxa uu ka qeyb galay tartankii 18-gobalka ee dalkeena Soomaliya ee lagu qabtay magaalada Garowe ee Putlanda,xili Deeq uu soo bandhigay wacdaro heer sare,isagoo jaanis u helay in uu kusoo biiray naadiga Heegan iyo xulka Qaranka dalkeena Soomaliya.



 

Dhalinyrada Soomaaliyeed ayaa horey caan ugu ahaa isticmaalka magacyada ciyaartoyada ajaanibta gaar ahaan kuwa Qaaradda Yurub, sida Messi, Ronaldo, Xabi, Scholes, Pirlo iyo Xiddigo kale oo caan ka ah qaaradda Yurub, Waxaa soo ifbaxay in dhalinytrada Soomaaliyeed ee baraha bulshda isticmaala ay magacooda kusoo qortaan ciyaartooyda Soomaaliyeed,deeq aariyo ayaa noqday laacibka ugu badan ee magaciisa ay istcimaalaan dhalinyarada Soomaliyeed.


 

Deeq Ario ayaa la hadalay Kubadbile"ma sahlana in aad heerkan oo kale aad gaarto balse aniga ahaa waxaa ii furaysa huray socod wanaagsan oo aan ku gaaro fooq sare ee kubbadda cagta,runtii markii aan arkay magacayga oo heerkaas gaaray waxaan aaminay in aan isku heer joogno xirfadlyaasha aan isku mihnada nahay ee kala ah Messi Ronald waxaa an u Mahad celinayaa dhamaan taageerayaasheeda sida weyn ila socda iyo kuwa baraha buslahda dhamaantoodana waxa aan lee yahay mahadsanidiin”.


 

Si kastaba Deeq Aariyo waa Xiddig qiimeeya, Maamulada, Macaliinta, Ciyaartoyda iyo bahda saxaafda isboortiga,sidoo kalena Waa laacib dhiira gelin u sameeya saaxibadiisa isboortiga isagoo booqda marka ay xanuunsa yihiin xiriiriya isla markaana jecel hormaraka isboortiga Soomaaliyeed Guud Ahaan.

Aadan Axmed Sheikh (Gabyow)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip