Wax ka Ogow Tadabaadkii Tagay Iyo Horyaalka Soomaliay 2016-2017

0
Wednesday November 30, 2016 - 11:21:12 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax ka Ogow Tadabaadkii Tagay Iyo Horyaalka Soomaliay 2016-2017

    30-11-2016 Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

30-11-2016 Muqdisho

Jeenyo VS HEEGAN

Kooxda jeenyo ayaa lasoo gashay shax cayaareed ah 4-3-3, Jeenyo oo uu ka maqan yahay hogaamiya heeda cusub Maxamuud {MEYMA} iyo Feysal oo dhawacyo qaba ayaa soo ban dhigay kubad wanagsan qeebti hore ee cayaata, weerar yahanka waayo araga ah Maxamed Nuur {shaarkey} ayaa dhaliyay qeebta hore ee cayaarta gool uu qalad keeda lahaa dafac iyo gool haya Heegan, Jeenyo oo u dhaweed seddexda dhibco in ay garoonka kala hoyato ayaa diqiiqada ugu danbeeyay cayaarta dafac weysay goolkeeda



HEEGAN

Kooxada Heegan ayaa guul daro kala soo kulantay dhigeeda Elman kulanka furitanka horyaalka, Heegan ayaa garoonka soogashay ayada oo ay ka maqan yihiin captan Jabriil iyo Mahad Mecon oo ah captanka labad ee kooxda. Maclin Felix ayaa lasoo galay shax ah 4-5-1, Heegan ayaa kubada laga heestay intabadan qeebta hore ee cayaarta, kooxdan ayaa soo bandhigtay qeebta danbe ee kulankan cayaar ay lasara kaceen taageera yaashii daawanayay cayaarta, Cawaale oo badal kusoo galay cayaata ayaa dhaliyay goolkii bar baraha daqiiqadihi dheeriga ahaa ee kulankan,Cayaarta ayaa kusoo dhamaatay Jeenyo 1-1 Heegan.

Maclin falix ayaa laga fasaxay shaqada Heegan ayadoo loomagacaaway Axmed {Gadaamow} oo harey ugu qaaday Heegan horyaalkii 2014-2015



Banaadir SC VSElman

Kooxada Banaadir S.C oo ku socoto wadadeedii guulaha ayaa lasoo gashay garoonka shax ah 4-1-4-1, Banaadir S.C ayaa qeebta hore ee cayaarta lawareegtay hogaanka, kubad rigoore ah waxaa gool u badalay Marcel Samsun, Marcel ayaa siiraac saday gool qurux badan qeebta hore ee cayaarta. Banaadir S.C oo intabadan daafac ku jirtay ayaa kubado weerar celis ah ku sameysay fursado dhoor ah.


Elman

Kooxda Elman ayaa tadabadki hore guul ku daah furatay horyaalka. maclin Roberto ayaa kusoo galay shax ciyaared 4-5-1 ah, Elman oo intabadan kulankan kubada heysatay ayaa awoodi waayay daafaca adage ee Banaadir S.C in ay kubada dhaafsiiyaan, haafka danbe ee cayaarta ayay usuurto gashay in ay goolka uu qalad kiisa lahaa gool hayaha Banaadir S.C uu u dhaliyo kooxda Elman Maxamed Nuur Cusman,Cayaarta ayaa kusoo dhamaatay Banaadir S.C 2-1 Elman

Hargandi oo dhaawac ka soo garay isha kulankan ayaa dib ugu soo laabtay toobarka kooxda Banaadir S.C


 

DekeddaVS Gadiidka

Dekedda

Kooxda Dekedda aya garoonka lasoo gashay shax ah 4-2-3-1, qeebata hore ee cayaata waxaa kubad uu soo baasay C/Casiis Hoomay gool u badalay Bile Muxudiin Buraaalle, Dekedda oo kamida kooxaha horyaalka loo saadaaliyay in ay ku guuleysan karaan sanadaan ayaa sooban dhigin kubada laga filaayay.


Gadiidka

Kooxda Gadiidka oo uu dib ugu soo laabtay xidigooda reer Kenya Siraaji ayaa garoonka kusoo gashay shax ah 4-3-2-1, kooxdan oo kulan keedi hore bareejo so gashay ayaa markale taako u dhigtay kooxda Dekedda, Gadiidka ayaa soo bandhigtay kubada wanaagsan, Xuseen Yuusf Danbeese ayaa qeebti hore ee cayaarta u dhaliyay goolka bar baraha,Cayaarta ayaa kusoo dhamaatay Dekedda 1-1 Gadiidka.


Dekedda oo ah mid kamida kooxdah loo saadaliyay in ay ku guulesan karaan horyaalkan ayaa u muuqato koox aan jaanta isla helin wali ciyaartoyda iyo macalinka

Muqdishi UnitedVS Waxool

Muqdisho United

Kooxda Muqdisho United ayaa garoonka lasoo gashay shax ah 4-2-3-1, kooxdan oo dhawaan kasoo dalacday horyaalka heerka labaad ayaa laqabsanla qaab ciyaareedka horyaalka heeka koobaad, qeebti hore ee cayaarta waxaa gool laad xor ahaa u dhaliyay Muqtar {gurey}. Cataf nuur gesey oo dafaca uga cayaara ayaa qaatay calaamada Casanka ah qeebta danbe ee cayaarta.


Waxool

Koxdan ayaa lasoo gashay garoomka shax ah 4-1-4-1, Waxool ayaa qeebti hore cayaata kala baxday garoonka cayaar aan qancin maclin Cali BUU, wada tashi kadib qeebta danbe ee cayaarta ayay soo bandhigeen cayaar wacan ayagoo la yimid seddex goo loo daran doori ah, goolka hore waxaa ku daah furay Captanka kooxda Gurxan gool kaas oo ahaa mid aad u qurux badan waxaa labada goo lee kale is raacsaday lacibiinta badalka kusoo galay cayaarta ee kala ah Ismaaciil Xusen Maxamed {Shiino} iyo Xasan cusman Maxamed,Cayaarta ayaa kusoo dhamaatay Muqdisho Unitd 1-3 Waxool.


Kulan kaan ayaa lagu til maamay kulan kee feerka, midka mida cayaartoyda Muqdisho United oo kabararsan insha iyo qeb kamida madaxa oo la hadlay Kubadbille ayaa dhahay "waxaan soo cayaarnay dagaal ee masoo cayaarin kubad mantaā€¯

Horseed vs Bariha-Dhexe

Horseed

Kooxda kubada cagta Horseed ee uu hogaamiyo Cumar Caruus ayaa lasoo gashay garoonka shax ah 4-2-3-1, kooxdan oo kamida afarta koox ee loo saada linaayo sandan horyaalka ayaa awoodi weysay in ay ka adkaato kooxda dhawaan kusoo guuleysatay horyaalka heerka labaad, xidigaha Horseed ayaa labada qeeb ee cayaarta soo bandhigay kubad wanagsan,qeebta danbe ee cayaarta daqiiqii 78 ayay heshay gool balse laacibiinta Horseed ayaa ka daafacan weysay shabaqodo in goolkaa laga baree jeeyo .



Bariga Dhexe

Kooxda ka dhisan Shabellada-dhexe ayaa garoonka kusoo gashay shax ah 4-5-1, kooxdan oo lagu tiriyo kooxaha meel dhaxaadka ah ayaa taako u dhigtay dhigeeda Horseed, xidiga Bariga-Dhex ayaa soo bandhigay cayaar daafaced maskax ku saleesan, dhamaadka cayaarta daqiiqadii 86 gool uu sikama isga dhaliyay daafaca Horseed Maxamed Craxmaan Cali ayaa usuurto galisay in ay dhibic kala tagaan garoonka kooxda Bariga-Dhexe,Cayaarta ayaa kusoo dhamaatay Horseed 1-1 Bariga-Dhexe


Kooxda Bariga-Dhexe ayaa labadi cayaar ee lasoo dhafay soo bandhigtay kubad qancisay taageero yaasha daawada cayaaraha.

W/Q:-Aadan Axmed Sheikh (Gabyow)

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip