Mblangu Hussein,Marcel Odhiambo Iyo Cabdi Nasir Cumar Gurax Oo Ku Guleystay Abaal Marinta Bisha Novermber Ee Horyaalka Soomaliya.

0
Wednesday December 14, 2016 - 15:21:15 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mblangu Hussein,Marcel Odhiambo Iyo Cabdi Nasir Cumar Gurax Oo Ku Guleystay Abaal Marinta Bisha Novermber Ee Horyaalka Soomaliya.

    14-11-2016 Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

14-11-2016 Muqdisho



Kooxaha Kubadda cagta Baanadir SC iyo Waxool ayaa ku guleystay abaal marinada bisha November ee Horyaalka Soomaliya 2016-2017.

Tababaraha kooxda Banaadir SC ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guulo muhiim,isagoo hada hogaanka ku haayo 6-dhibcood,xili ay kooxdiisa 3-dhibic ka qaadatay kooxda Kubbadda cagta Elman.


Weerar yahanka reer Kenya ee Naadiga Banaadir SC Marcel Odhiambo ayaa isna ku guulaystay laacibkii ugu fiicnaa ee horyaalka bishii dhamaatay, wuxuuna abaal marintaan ka dul qaaday saaxiibkiis Maxamed Nuur Cabdi (Shaarkey, ka dib markii uu 2-gool uu ka dhaliyay kooxda Kubbada cagta Elman.

Gool dhaliyaha reer Kenya ayaa kooxdiisa u dhaliyay laba gool,kulankii uu ka hor imaaday Elman,isagoo sid kale noqday laacibkii ugu horeeyay xagaagan ansixay gool ku laadkii ugu horeeyay ee Horyaalka.



Dhinaca kale hogaamiyaha naadiga Waxool Cabdi Nasir Cumar Maxamed (Gurxan) ayaa ku guulaystay abaal marinta goolkii ugu qurxoonaa ee Horyaalka Soomaliya 2016-2017 bishii dhamaatay, wuxuuna ka qaaday abaal marinta goolkii uu ka dhaliyay Muqdisho United,isagoo kaga guleystay Cabaas Amiin Maxamed oo ah hogaamiyaha Naadiga Dekedda iyo C/Shakiuur Maxamuud Maxamed (Aala).

Aadan Axmed Sheikh (Gabyow)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip