Falanqeeye Maxamed Qalinle Oo Saa Daaliyay kooxaha Hanankara Horyaalka Soomaaliya 2016-2017.

0
Tuesday December 27, 2016 - 16:10:26 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeeye Maxamed Qalinle Oo Saa Daaliyay kooxaha Hanankara Horyaalka Soomaaliya 2016-2017.

    Talaado-Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Muqdisho


Falanqeeyaha caanka ah ee Maxamed Xuseen Qalinle ayaa saa daaliyay kooxaha hanankara Horyaalka Soomaliya olalaha 2016-2017.

Qalinle ayaa aragti ahaan qaba in kooxaha Kubbada cagta Dekedda,Heegan,Jeenyo iyo Elman ay qaadi karaan olalaha 2016-2017,xili uu xagaagan horyaalka Soomaliya mid aad u xiiso badan.



"Qalinle ayaa yiri ma sahlana in aad saa’daal ka bixiso cida qaadi karta Horyaal ay ku tartamayaan kooxo waa weyn macalimiin karti iyo aqoon u leh xirfada tababarino iyo laacibiin isku darsaday xirfad iyo karti,balse aniga ahaan olalaha 2016-2017 waxaan u arkaa in ay Horyaalka Soomaaliya ay qaadi karaan kooxaha kala ah 1.Dekedda 2.Elman 3..Jeenyo 4.Heegan”.

1 Dekedda Qaab Ceynkee Ayay Ku Qaadi Kartaa Horyaalka Soomaliya

Kooxda kubabda cagta Dekedda ayaa horyaalka qaadi karta sababtoo ah ololahaan waxa ay kooxda suu iibsatay xidigihii ugu qaalisan suuqa kala iibsaga iyadoo kasoo shaxaaday kooxaha Kubbada cagta Jeenyo Elman Saxafi iyo qaar kaga imaaday bariga fog ee qaarada Afrika.


Xidigaha soo caga dhigtay Dekedda waxaa laga xusi karaa Bile Muxyidiin Buraale kabatnakii hore ee Saxafi,Xasan Siidow Hilow Saxafi,Axmed Xasan Macaane Saxafi,Xasan Afgooye Elman.Towfiiq Zakaria oo kaga soo biiray Dalka Tunis,xili uu xagaagan ku soo biiray kubbadd sameeyihii Jeenyo Cabdi Casiis Maxamed Cali (Catoosh).


Dhinaca kale ololahan Dekedda waxaa hogaamindoono Macalin Yuusuf Cali Nuur oo horay u soo maamulayay qaranka Soomaliya iyo kooxda Elman,xidigaha naadiga Dekedda ayaa qaba balan-qaad waali ah oo ah hadii ay hantaan horyaalka Soomaliya in uu maamulka u abaal marindoono  shaqsi dhamaan xidiga naadiga Dekedda iyo dhamaan shaqaalaha naadiga Dekedda.


2. Jeenyo Iyo Qaabka Ay Ku Qaadi Karto Horyaalka Soomaaliya.

Kooxda uu hogaamiyo Macalin Salaad Faarax Xasan ee Jeenyo ayaa ah kooxda kaliya aan wadanin xirfadlayaal ajaanib ah,balse soo bandhiga Kubbad heer sare oo qancisa jamahiirta ku raaxeesta baasaska gaaban ee xirfadlayaasha Jeenyo ka Jeenyo.


Jeenyo ayaa xagaagan ka bixi karta abaar la’aanta Horyaalka maadam ay soo qaadatay xirfadlaaya heer caalami shabaqan daris la ah kuna daris in ay ku wanaagsan yihiin tuurista rigoorooyinka xidigaha ugu muhiimsan ay xagaagan lasoo wareegtay Jeenyo waxaa ka mid ah

Maxamed Nuur Cabdi Xaaji (Shaarkay),Aadan Xuseen Ibraahim (Eeney),Daadir Salaad Cawaale (Daadir Cama),C/llahi Muyidiin Mooris,Anwar Sayid Cali,Khaalid Abuukar iyo C.Rashiid.


Dhinac kale Jeenyo ayaa xagaagan lumisay Cabdi Casiis Catoosh iyo Aadan Gabyow oo iyaga gebi ahaan soo geba gebeeyay wayihihii ciyaareed ee naadiga lagu naaneeso jalayaasha ee Jeenyo.


 

3. Heegan Iyo Qaabka Ay Ku Qaadi Karto Horyaalka Soomaaliya.

Kooxda boolsika Soomaaliyeed ee Heegan ayaa xagaagan si weyn isku diyaarisay,iyadoo dib ula wareegtay macalinkii u sahlay hanashda Horyaalka Soomaliya Axmed C/Raxman cumar (Gaadumo)

35-jir ayaa kooxda Heegan la qaatay waqti fiican, isagoo kooxda kula guleystay xagaagii 2014-2015 horyaalka Soomaliya iyo 5-koob oo munaasabado ah.


Geesta kale Heegan ayaa la soo saxiiixatay xirfadayaal heer wacan waxaana qeyb ka ah Mahad Maxamed Mahad (Saha), C/Risaaq Abuukar Rooble,Mahad cali Beerey, iyo Ogbokiri Okor Matties oo ah daafac qirab badan kana soo jeeda dalka Nigeria.


4.Elman Iyo Qaabka Ay Ku Qaadi Karto Horyaalka Soomaaliya.

Elman ayaa xagaagan si heer sare iskugu diyaarisay xili ciyaareedka 2016-2017, iyadoo aduun lacageed waalan kusoo qaadatay Macalin ajnabi ah iyo ciyaartooy kala duwan ee kasoo hayaamay kooxaha waaweyn ee dalka,halka kuwa kalena ay ugu soo biireyn dalka dibadiisa

Robert Myangi oo u dhashay dalka Uganda da’diisuna tahay 29-Jir,elman oo horay 6-horyaal qaaday ayaa xili ciyaareedkaan baadi goobaysa horyaalka 7-aad, xili uu Macalin Robert sheeagay in uu soo celindoono sharafkii elman iyo bandhigii guulaha dalka iyo dibadda.


 

Dhinac kale Elman ayaa soo xer gelisay xidigo badan waxaana lagu xusi karaa Xamze Maxamed Mukhtaar oo horay usoo maray kooxdaan,Cabd Fataax Carab,Ciise Minhaaj,halka ay xagaan soo qaadatay laacibiin u wada dhashay dalka Uganda kuwaas oo kala ah Ssembatya,Sulaiat,Abdunur,Yaasiin Shaafici oo ka ciyaaray daafaca qad Dhexe,weer iyo gool haye,halka uu dib ugu soo laabtay garoomada Barood taasi Elman u sahli karta hanashada horyaalka Soomaaliya 2016-2017.


 

Si kastaba argtidaan waa aragtida falanqeeyaha caanka ah ee Maxamed Xuseeen Qalinle,balse aqristayaasha maqaalkan iyagan waxa ay kasoo argti dhiiban karaan fikirkooda ku Aadan kooxda hanan karta Horyaalka Soomaaliya 2016-2017.

Maxamed Xuseen Qalinle



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip