Totti oo dhaliyay goolkiisi 300, tartamadee ayuu ka dhaliyay goolashaas?

0
Monday September 21, 2015 - 07:54:12 in Wararka by Kubad Bile
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Totti oo dhaliyay goolkiisi 300, tartamadee ayuu ka dhaliyay goolashaas?

    (Kubadbile) Francesco Totti ayaa kooxdiisa Roma gool u dhaliyay kulanki ay 2-2 isla dhaafi waayeen kooxda Sassuolo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Kubadbile) Francesco Totti ayaa kooxdiisa Roma gool u dhaliyay kulanki ay 2-2 isla dhaafi waayeen kooxda Sassuolo.


 

Goolka Totti ayaa ahaa goolki 300 oo uu dhaliyo kooxdiisa Roma  tartamada uu ka qayb galay

 

Kabtanka Roma ayaa kusoo biiray Roma isagoo 16 jir ah waxuuna kulankiisi ugu horreeyay usaftay 28 March 1993,basle xili ciyaareedki xigay ayuu dhaliyay goolkiisi ugu horreeyay kooxdiisa Rom kulan ay ka hortagtay kooxda Foggia 4 September 1994.

 

Francesco Totti ayaa 300 gool u kala dhaliyay qaabkan, Horyaalka talyaaniga 244, Coppa Italia 16, 1 italian Super Cup iyo 39 gool uu ka dhaliyay tartamaa Yurub.

 

Waa 38 jir weli u ooman in uu goolal kale dhaliyo waxuuna beegsanayaa kaalinta koowaad ee goolasha ugu badan horyaalka Talyaaniga xiddig uu ka dhaliyo waxaana rikoordhkaas haysta Silvio Piola oo dhaliyay 274 gool waxaana ka xigta 30 gool.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip