Oscar oo gool ku furay safashadiisii koobaad ee Shanghai SIPG

0
Monday January 09, 2017 - 12:02:22 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Oscar oo gool ku furay safashadiisii koobaad ee Shanghai SIPG

    Isniin--Doha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin--Doha

Oscar ayaa wacdaro ka muujiyay kulankiisii koobaad ee Shanghai SIPG keddib markii uu gool ka dhaliyay kooxda ka dhisan horyaalka Saudi Arabian Premier League ee Al Batin kulan ka dhacay magaalada Doha.


Brazil wiilka u dhashay ayaa si la yaab leh ugu dhaqaaqay horyaalka Chinese Super League horraantii bishan, markii looga iibsaday £60 milyan kooxdiisii Chelsea, balse 25-jirkan weerarka ka ciyaara ayaa waxaa la yaab noqotay in mushaar ahaan uu sanadkiiba u qaadan doono £20m taasoo ka dhigan in uu yahay laacibka labaad ee dunida ugu mushaarka badan marka laga yimaado Tevez oo sanadkii qaadan doona £32m.



Iyadoo kulanka la la’yahay nin dhaliska fura ayuu keydka kasoo kacay oo dhaliyay goolkii koobaad.


Wuxuuna gool u beddelay qalad lagu galay Lu Wenjun bulisiyoonkii loo dhigay kaasoo uu ka dhaliyay meesha sare ee shabaqa.


Waxaa daawadayaashu ay joogeen garoonkii ay Bayern Munich, ku tababaraneysay Jiilaalka, Oscar ayaa aad loogu farxay kaalintiisa muuqata ee kulankiisii koobaad.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip