NAADIR: Weeraryahan u dhashay Japan oo heshiis 1 sano ah saxiixay si uu Yokohama ugu ciyaaro isagoo 50-sano jir ah!!

0
Thursday January 12, 2017 - 11:30:13 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NAADIR: Weeraryahan u dhashay Japan oo heshiis 1 sano ah saxiixay si uu Yokohama ugu ciyaaro isagoo 50-sano jir ah!!

    Khamiis--Tokyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Tokyo

Japan weeraryahankeeda Kazuyoshi Miura ayaa sii wadan doona ciyaarista kubbadda cagta caalamiga ah xitaa isagoo 50-sano jir ah markii ay heshiiska u kordhisay kooxdiisa Yokohama FC.


Miura, oo ka fariistay ciyaaraha Qaranka 17 sano ka hor, ayaa ah ninkii ugu da’da weynaa ee horyaalka dalkiisa gool ka dhaliya wuxuuna ahaa Sanadkii hore isagoo 49-jir ah.


Wuxuu gaarayaa cimriga 50 sano 26 February, xilligaas oo horyaalkooda 2017 oo billaban doono.



Miura, oo kasoo ciyaaray qaaradda Europe, wuxuu dhaliyay 55 gool 89 kulan oo uu safka usoo galay qaranka Japan.


Wuxuu ciyaarihiisa kasoo billaabay Brazil isagoo la jira Santos, wuxuuna kulankiisii koobaad saftay 1986, wuxuu sidoo kale waqti fiican kusoo qaatay Genoa iyo Dinamo Zagreb sanadihii 1990-aadkii.


Gooldhaliyahaan ayaa kusoo biiray Yokohama sanadkii 2005, isagoo 38-jir ah. Wuxuuna ahaa laacibkii ugu da’da weynaa ee horyaalkaas loosoo qaato isagoo ka yimid Vissel Kobe.


"Waxaan rajeynayaa in aan sii dagaallamo inta aan ka gaaro in maamulku ii gartaan in aan fariisto, Kuwa igu kooxda ah, Maamulka iyo Taageerayaashuba wey I jecelyihiin," waxaa yiri Miura, oo gelaya sanadkiisii 32aad ee uu ciyaarayo isagoo ciyaaryahan xirfad ahaan heer caalami ah oo ku shaqeysta kubbadda cagta keddib 1sano oo qandaraas ah oo uu saxiixay.


Over 40s XI


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip