Gabon iyo Burkina faso oo isku garab dhacay iyo Cameroon oo hogaanka u qabatay Groupa A Tartanka Afcon 2017

0
Thursday January 19, 2017 - 00:34:13 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabon iyo Burkina faso oo isku garab dhacay iyo Cameroon oo hogaanka u qabatay Groupa A Tartanka Afcon 2017

    Khamiis- Gabon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis- Gabon


Xulka kubadda cagta Gabon ee marti gelinaya koobka qaramadad qaaradad Afrika Gabon ayaa kulankoodi labaad ee wareega Group-ka la ciyaaray xulka Burkina Faso.


Xulka Burkina Faso ayaa hogaanka ciyarta la wareeay daqiiqadi Prejuce Nakoulma oo wadka dhexe ee weerarka uga ciyaara, basle waxaa daqiiqadi 38 ee qeybta hore goolka bararaha Xulka Gabon u saxiixay laacibkooda gool magafaha ah Pierre-Emerick Aubameyang kaasoo dhaliyay gool-kulaad loo dhigay xulkiisa.



dhanka kale Xulka Cameroon ayaa la wareegay hogaanka Groupa kadib markii ay 2-1 kag adkaadeen xulka Guinea-Bissau.


Guinea-Bissau ayaa goolka la hormartay waxaana daqiiqadi 13 ee qeybta hore u dhaliyay laacibkooda garabka weerarka ka ciyaara ee Piqueti. laakiinwaxaa Cameroon daqiiqadi 61-aad ee ciyaarta goolka barbaraha u ansaxixay xiddiga no-7 ee qadka dhexe ka ciyaara Sebastien Siani, waxaana goolka guusha daqiiqadi 79 u saxiixay laacibka daafaca uga ciyaara kooxda SK Slavia Prag ee dalka Czech, Michael Ngadeu-Ngadjui kaasoo ahaa goolkiisi afaraad uu xulkiisa u dhaliyo.


Waxan Group A 4 dhibcood ku horkacaya Xulka Cameroon waxaana kusoo Xiga Gabon iyo Burkina Faso min 2 dhicood leh , halka Guinea-Bissau oo tartankamarki u horeysay ka qeyb galeysa ay leedhay hal dhibic oo qura.


Kulamada u dambeeya Qeybtan, waxaana la ciyaari doonaa 22 January waxayna xulalka isku arki doonaan


Cameroon vs Gabon

Guinea-Bissau vs Burkina Faso

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip