Fadeexad laaluush bixin ah oo kusoo baxday Kooxda qaadday koobka kooxaha Qaaradda Asia

0
Thursday January 19, 2017 - 13:08:24 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad laaluush bixin ah oo kusoo baxday Kooxda qaadday koobka kooxaha Qaaradda Asia

    Khamiis--Seoul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Seoul

Kooxda ku guuleysatay Asian Champions League ayaa laga saaray ka qeyb galka koobkan sanadka 2017 keddib fadeexad laaluush bixin ah oo kooxda lagu helay.


South Korea kooxda ka dhisan ee Jeonbuk Hyundai Motors ayaa garaacday Al Ain oo ka dhisan United Arab Emirates bishii November si ay ugu guuleystaan koobka.


Balse xiriirka kubbadda cagta ee Aasiya. Asian Football Confederation ayaa sheegay in aysan Jeonbuk sanadkan ka qeyb qaadan doonin tartanka, keddib markii lagu helay fadeexad ah in ay garsoorayaasha qaar laaluush siiyeen sanadkii 2014.



Jeonbuk ayaa shaacisay in ay racfaan geysandoonaan Maxkamadda caddaaladda Sportiga.


Kooxda ayaa weysay hanashada horyaalka K-League keddib markii 9 dhibcood uu ka jaray xiriirka kubbadda cagta ee dalkeeda bishii September.


Jeju United, waa kooxda ku dhammeysatay kaalinta 3-aad ee horyaalka 2016 K-League, waxay qaadan doontaa booska Jeonbuk ee tartanka Asian Champions League.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip