Dhex Dhexaadiyaasha Heerka Caalami Dalkeena Soomaliya Oo Isku Diyaarinaya Qabashada Kulanka Telcom VS Al-Merikh

0
Thursday January 19, 2017 - 19:21:57 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhex Dhexaadiyaasha Heerka Caalami Dalkeena Soomaliya Oo Isku Diyaarinaya Qabashada Kulanka Telcom VS Al-Merikh

    19-01-2017-Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

19-01-2017-Muqdisho



Jabuti waxaa ku sugan afar ka mid ah garsoorayaasha heerka calaami ee dalkeena ku waas oo maalinta berri oo ay taariikhdu ku beegantahay 20-01-2017 dhex dhexaadin doona kulan adag oo u dhaxeeya labada kooxaha ee kala ah Telcom iyo Al-Merikh iyagoo ku ciyaaridoono garoonka Al-Hagi Guled Stadium ee dalka Jabuti.


Afarta garsoore ayaa waxa ay kala yihiin Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari), Xamze Xaaji Cabdi, Suleyman Bashiir Sheikh Cabdi iyo Bashiir Colaad Carab oo dhammaan u dhashay dalkeena Soomaaliya.



Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari) ayaa ah garsooraha dhexda maamuldoona kulanka u dhaxaeeyaya Telcom iyo Al-Merik, calanhayaha 1-aad waxaa ah Xamze Xaaji Cabdi,Calanhayaha 2-aad Suleyman Bashiir Sheikh Cabdi,halka garsooraha afraad ee Kulanka uu yahay Bashiir Colaad Carab.


Afarta garsoore ayaa hada ku jira diyaar garawgii ugu dambeeyay ay isku diyaarinayaa kulan adag ee u dhaxeeya labada koox,iyagoo hada garoonka Al-Hagi Guled Stadium ee ku yaal dalka Jabuti ku qaadanay tababaro kala duwan.


Garsooryaasha heerka caalaami ee dalkeen ayaa ah kuwa lagu amaano ciyaaraha kala duwan ay ka qabtaan dalka dibadiisa iyadoo taasi sharaf iyo horomar ay u tahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubbada cagta iyo bahda garsoorka heerarka kale gedisan.


Maxamed Xuseen Qalinle



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip