Boqorka Reer Senegal Sadio Mane Oo Seegi Kara Kulanka Liverpool Iyo Chelsea

0
Friday January 20, 2017 - 11:32:19 in Wararka by Kubad Bile
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Reer Senegal Sadio Mane Oo Seegi Kara Kulanka Liverpool Iyo Chelsea

    20-01-2017-Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

20-01-2017-Muqdisho


Laacibka reer senegal Sadio Mane ayaa xulkiisa Senegal ku caawiyay in ay soo gaaran sideed dhammaadka tartanka qaramada Africa 2017,ka dib markii ay 2-0 ku gaarceyn dhigooda Zimbabwe.


Warkaan ayaa ah war farxad u ah wiilka reer Senegal ee Mane maadam xulkiisa ay usoo gudbeyn Wareega xiga tartanka Afcon,balse waa war aanan ku qancin leeliyaha naadiga Liverpool Jurgen Klopp.



Haddii xulka Senegal laga badiyo kulanka soo socda ee wareega sideed dhammaadka ay ciyaari doonaan 28-ka bisha waxaa uu dib ugu soo laaban doonaan Premier League laakiin lagama yaabo in in uu kasoo muuqdo Kulanka u dheexeya kooxaha Liverppol iyo Chelsea oo dhex maridoon 31-01-2017.


Si kastaba hadii xulka Senegal ay usoo gudbaan afar dhamaadka koobka qaramada Afrika waxaa laga yabaa in Mane uu seego kulan ciyaareedka kooxaha Liverpool iyo Hul City oo ay wada ciyaaridoonaan 04-02-2017.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip