Dani Alves oo ku biiraya Horyaalka Shiinaha

0
Tuesday January 24, 2017 - 09:26:17 in Wararka by Warar ka
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dani Alves oo ku biiraya Horyaalka Shiinaha

    Talaado--Turin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado--Turin

Juventus iyo Xulka Brazil xiddiggooda Dani Alves waa laacibkii u dambeeyay ee looga yeero horyaalka China, waxaana warar sheegayaan in kooxo badan oo halkaas ka dhisan ay isku hayaan qaadashadiisa.


Sida ay ku warrameyso majaladda France Football, xiddigga dalka Brazil waxaa doonaya dhammaan kooxaha ay ka mid yihiin Hebei Fortune, Shanghai SIPG iyo kooxda macallin Fabio Cannavaro ee Tianjin Quanjian.



Laacibkan oo 33-jir ah ayaa kusoo laabtay kursiga keydka ee Juventus keddib jab soo gaaray bishii November, wuxuuna qandaraaska uu kooxdan kula joogo ku egyahay 2018.


Warar ayaa sheegaya in €10m uu sanadkiiba Mushaar ahaan uga heli doono kooxda Shanghai SIPG – oo uu la shaqeeyo macallin Andre Villas-Boas – Alves waxaa uu noqonayaa laacibkii u dambeeyay ee Juve ay go’aansato iibintiisa.


Toddobaadkii hore ayey aheyd markii Fiorentina goodhaliyaheeda Nikola Kalinic uu diiday dalab uga yimid kooxda Tianjin Quanjian uuna doortay lasii jirka kooxda Viola.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip