Madaxweynaha IOC oo ugu Hambalyeeyay guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed dib u doorashadiisa

0
Saturday January 28, 2017 - 15:40:23 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha IOC oo ugu Hambalyeeyay guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed dib u doorashadiisa

    Sabti--Mogadishu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti--Mogadishu

Madaxweynaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Abdullahi Ahmed Tarabi, ayaa ka helay Farriin rajo muujin fiican ah iyo farxad kusoo dhoweynta dib u doorashadiisa Madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Olombikada Adduunka, Mr. Thomas Bach, oo u dajeeyay ninka Sportiga Somalia u sarreeya ee dib loo doortay in uu guul ku dhammeysan doono howshiisa xafiiskan.


"Farxadbey ii tahay in aan kula wadaago qoraalkeyga oo aan uga hadlayo sida aan qalbiga uga dareemayo in dib laguu doortay, 7 January 2017 oo mar kale aad noqotay madaxweynahay Somali Olympic Committee. Anigoo metelaya IOC, waxaa kuu rajeynayaa mustaqbal wanaagsan oo guuleysta iyo in aad horumariso howlaha Olombikada ee Dalkaas, Danaha Sportiga iyo ficilladiisa” waxaa lagu qoray farriinta Hambalyada ah oo lasoo muujiyay 26-ka January.



Farriintiisa, wuxuu madaxweynaha IOC, Mr. Thomas Bach, wuxuu ku ballan qaaday madaxa Guddiga Olombikada Adduunku in in ay kasii shaqeyn doonaan caawinaadda guddiga Somali NOC oo laga caawinayo in dalku yeesho Sport kobcaya.


"Guddiga Caalamiga ah ee Olombikadu wuxuu indhaha ku hayaa sii socoshada kobaca Howlaha Olombikada ee ka socda Somalia. Had iyo goor, waad ku xisaabtami kartaan taageerada IOC ee buuxda, waxaadna caawinaad walba oo ay u baahan kala xaajoon kartaa Golahaan, fulinta halkan ayaan u joognaa Qiyamka iyo Mabaadii’da oo ay xukumaan Guddiga Olombikadu” IOC madaxeeda, Mr. Thomas Bach ayaa farriintiisa Hambalyada sii raaciyay.


Nocosom Media Department

Info@nocsom.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip